Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo shan qof ku toogtay Jilib iyo sababta ay ku micneeyeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Jilib (Caasimadda Online) – Sida ay wararka ku heleyso Shabakadda Caasimadda Online, Kooxda Al-Shabaab ayaa Shan qof ku toogtay Magaalada Jilib.

Al-Shabaab oo gacanta ku hayo Magaaladaas ayaa Maanta halkaas ku toogtay Shan nin oo ay kusoo eedeeyeen inay Jaajuus yihiin.

Kooxdaan ayaa Shantaan nin ku eedeysay inay Basaasiin u yihiin Sirdoonka Soomaaliya isla markaasna ay halkaas ka gudbinayeen xogo ka dhan ah Kooxdaan Mintidiinta ah.

Sidoo kale waxay ku eedeeyeen inay basaasiin u ahaayeen Sirdoonka Wadamada Maraykanka iyo Ingiriiska.

Boqollaal ruux oo kamid ah dadka Jilib degan ayaa isugu soo baxay fagaaraha weyn ee Macallin Aadan, halkaas oo uu ka dhacay xukunka.

Nooma suurta gelin inaan helno magacyada Shanta nin ee la toogtay sidoo kalana Warbaahinta Al-Shabaab weli ma aysan soo bandhigin magacyada raggaas la toogtay.

Kooxdaan ayaa caan ku ah inay toogato cid kasta oo ay u arkaan inay ka ra’yi duwan yihiin, waxayna inta badan dadkaas ku eedeeyaan inay Sirdoon yihiin inkastoo aysan soo bandhigin wax caddeyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this