Sign in to follow this  
Deeq A.

Macawiisleyda oo maanta ugu dambeyntii garab ka helay dowladda Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadale (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay si ficil ah uga jawaabtay inay garab istaag u sameyso ciidamada is abaabulay ee Al-Shabaab dagaalka kula galay qeybo kamid ah Gobolka Shabeelada Dhexe.

Ciidamadaan oo ku caan baxay Magaca Macawiisleyda ayaa dagaal culus la galay Kooxda Al-Shabaab halkaas oo ay ku waayeen taliyahoodii iyo ku xigeenkiisii oo ahaa laba nin oo ay ka go’neyd inay Al-Shabaab la dagaalaan kadib markii ay kooxdaan bilowday inay afduubato ilmaha yar yar ee Gobolkaas ku sugan.

Ciidamaan ayaa waxay ku sugan yihiin deegaanka Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo Xaaji Cali oo hoosta degmadaas, waxaana Maanta halkaas ku booqday wafdi ka koobnaa Mas’uuliyiin ka kala socday Hirshabelle iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Wafdiga Dowladda ka socdo ee halkaas gaaray ayaa waxay dowladda ka wadeyn deeq la siinayo ururka Macwiisleyda oo Al-Shabaab kula dagaalamay deegaano hoostaga Degmada Cadde.

Wafdiga ka socday Dowladda ayaa ciidamadaas uga mahadceliyey dadaalka ay Sameeyeen oo ah mid geesinimo ah hordhacna u ah in laga hortago Ururkaas oo dhibaato xooggan ku hayo Bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in kulanka kadib Xildhibaanada Baralamaanka iyo madaxda ka socoto Hirshabeelle ay deegaanka Xaaji Calle kulamo gooni gooni ah kula yeeshan Ururka la magac baxay Macwiisleyda,si ay u dhiira geliyan Ururkaasi.

Dhawaan ayay aheyd markii Ururka lamagac baxay Macwiisleyda iyo dagaalyahano ka tiran Al- Shabaab uu dagaal xoogan ku dhexmaray Degmada Aadn Yabaal oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe,kaasi oo sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this