Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaano katirsan Gal-Mudug oo Gudoomiye ku Doortay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Kadib doorasho ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gal-Mudug ayeey Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Gal-Mudug ku doorteen Gudoomiye Cusub.

Xildhibaanada ayaa u doortay Ismaaciil Cabdulle Axmed in uu noqdo gudoomiyaha Baarlamaanka Gal-Mudug.

Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in Ismaaciil Cabdulle Axmed uu helay 93-cod sidaasina uu ku guuleeystay.

Xildhibaanada Baarlamaanka Gal-Mudug ayaa kala noqday labo garab halka xildhibaano kalena ay ku suganyihiin Magaalada Cadaado.

Arintaan ayaa u muuqata in ay sii hurineeyso khilaafkii u dhaxeeyay maamulka Gal-Mudug.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post

The post Xildhibaano katirsan Gal-Mudug oo Gudoomiye ku Doortay Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this