Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay musharaxnimada Abu Mansuur (Dhageyso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay ka hadashay tallaabada uu Mukhtaar Roobow isugu soo sharraxay xilka madaxtinimada maamulka Koonfur Galbeed Soomaakliya, oo uu ku dhawaaqay toddobaadkii tagey.

Warbaahinta rasmiga ah ee ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa bilaawday in ay warbixinno ka sameyso dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee Rooboow, oo horey uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab, uu kawado magaalada Baydhabo, waxaana Idaacadda Andalus ay u adeegsatay warbixinteeda Erayga “Murtad Mukhtaar Rooboow

Al-Shabaab waxa ay sheegtay in Mukhtaar Roobow uu “ku dhuumaaleysanayey safka mujaahidiinta, oo uu culees iyo caqabad ku ahaa jihaadka, iskaba daa inuu wax taro”

“Dadkii ugu dambeeyey ee allaha ku fadeexeeyey umadda hortooda waxa uu ahaa Mukhtaar Roobow, oo bishii August 2017 ku biiray kooxda murtadiinta Soomaaliya” ayaa lagu yiri warka ay baahisay idaacadda Andalus ee kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa tiri “xitaa ka hor inta uusan dowladda isku dhiibin, waxa uu Mukhtaar Roobow sanado badan xiriir hoose la lahaa cadowga, isaga oo maleegayey shirqool ka dhan ah mujaahidiinta”

Afhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in Roobow uu la mid yahay Burhanudin Rabani, Gulbuddin Hekmatyar iyo Abdul Rasul Sayyaf, oo dhammaantood ah reer Afghanistan, iyo Sheekh Shariif iyo Axmed Madoobe oo Soomaali ah.

Dhageyso codka Sheekh Cali Dheere

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this