Deeq A. Posted October 9, 2018 Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Garoonka Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho ay kasoo caga dhigatay diyaarad laga leeyahay dalka Sucuudiga Carabiya. Wararku waxa ay sheegayan in diyaaradan ay ka imaaday magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga isla markaana ay Garoonka ka qaaday Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre. Diyaaradan oo qaaday Kheyre ayaa lasoo sheegayaa inay tahay mid khaasa oo loo soo diray Ra’isul wasaaraha dalka, sida ay xaqiijiyeen illo muhiim ah, waxaana Kheyre ku wehlinaayay safarka Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee dowlada. Ra’iisul wasaare Kheyre oo u kictamay dalka Sacuudiga ayaa lagu wadaa in halkaa uu ku nagaan doono muddo Seddex cisho ah. Sacuudiga iyo Kheyre ayaa kawada hadli doona arrimaha Khilaafka Imaaraadka iyo culeyska ay dowlada Somalia ku heyso xulafada Sacuudiga. Sidoo kale, Sacuudiga iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa si qoto dheera uga wada hadli doona ballanqaadyo aysan wali fulin Sacuudiga iyo arrimo kale oo muhiim ah. Dowlada Sacuudiga oo dano Siyaasadeed gaara ka leh Somalia ayaan wali ku guuleysan, sababo la xiriira fahan la’aan ka taagan Siyaasada ay isticmaalayan labada dal. Si kastaba ha ahaatee, Kheyre ayaa lagu wadaa in heshiisyo cusub uu lasoo galo dowlada Sacuudiga si meesha looga saaro tashwiishka Siyaasadeed ee ka dhextaagan labada dal. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites