Deeq A. Posted October 9, 2018 Waxaa so baxaya xilligan khilaaf ka dhex jira wasaaradda amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland, iyadoo khilaafkan uu si gaar ah ugu dhaxeeyo wasiirka wasaaraddan iyo sidoo kale wasiir dowlaha. Maxamed Cabdi Kaliil oo ah wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Jubbaland ayaa sheegay in dayacaad amni uu sameynayo wasiirka. Waxa uu sheegay in wasiirka uu sidoo kale sabab u yahay in Al-shabaab ay xannibaan isticmaalka waddooyin badan oo Gedo ah. Kaliil ayaa sheegay in mas’uuliyadda dhanka amni darro uu qaadanayo Wasiir Janan oo isna dhankiisa aan wax jawaab ah laga hayn. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/WASIIRU-DOWLAHA-AMNIGA-JUBBALLAND.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites