Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageeysiga Dacwada loo heeysto Cabdi Maxamuud Cumar oo bilaabatay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in maxkamad halkaasi ku taala ay goordhow biloowday dhageeysiga dacwada loo heeysto madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar.

Maxkmada ayaa kal hore muddo 14-cisho ah dib u dhigtay kiiska dacwada loo heeysto Cabdi Maxamuud Cumar iyada oo dib maanta u biloowday.

Maxkmada ayaa waxaa hadda ay si toos ah u dhageeysaneeysaa marqaatiyaal kala duwan oo sheegaya in Cabdi Maxamuud Cumar uu galay dambiyo kala duwan.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa loo heeystaa dilal ,xarig aan loo meel dayin, jir dil iyo ku takri fal awoodeed, iyo eedeeymo kale.

Ciidamada dowlada Itoobiya 27-dii bishii Agosto ayaa xabsiga u taxaabay Cabdi Maxamuud Cumar.

Hooyada dhashay Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dhowaan sheegtay in wiilkeeda jirdil baahsan loogu geeysto gudaha xabsiga iyada oo sheegtay in gudaha xabsiga uu ku xanuunsanayo.

Maxkamada ayaa laga yaabaa in ay ku xukunto xukun aad u aad u adag sida ay sheegayaan dad arimahaan si dhow u la socda.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post

The post Dhageeysiga Dacwada loo heeysto Cabdi Maxamuud Cumar oo bilaabatay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this