Sign in to follow this  
Deeq A.

Magacyada iyo qabiillada madaxda kooxda Daacish ee dalka Somalia (Aqriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Machadka daraasaadka amniga ee Hiraal ayaa soo bandhigay warbixin xog badan ka bixisay madaxda kooxda Daacish ee dalka Soomaaliya iyio beelaha ay kasoo jeedaan. Haddaba magacyada hoos ka aqriso.

Sheikh Cabdulqadir Muumin waa hoggaamiye hore al-Shabaab ee Waqooyi Bari Soomaaliya. Waxa uu oday dhaqameed u yahay beesha Cali Saleebaan, Majeerteen, Daarood waxa uu si weyn u abaabulay hoggaanka DAACISH isaga oo adeegsanaya qaab dhaqan qabiil. Inta badan saraakiishiisa waa weyn waxa ay ka soo jeedaan Cali Saleebaan/Daarood, walow uu Muumin uu isku dayey in uu ku soo daro shaqsiyaad ka soo jeeda bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya oo ay ka mid yihiin qabiilada Mogadishu Clan, kuwaas oo ku badan Al Shabaab. Muumin waxa uu haystaa laba dhalasho oo ay midi tahay UK waxa uuna ku biiray Al Shabaab 2010kii. Waxaa jirta xan sheegeysa in uu xanuunsan yahay.

–  Mahad Macaim Jajab (Oo Sidoo kale loo yaqaan Caaw Geele), waa hoggaamiyihii hore Dacwada ee AL-SHABAAB, waana ku xigeenka Amiirka. Sida Muumin, waxa uu ka soo jeeda Cali Saleebaan, Majeerteen/Daarood. Sida laga soo xiganayo Mareykanka oo ku daray liiska argagixisada caalamka  bishii Febraayo.

2018 waxa uu ahaa mas’uul ka ahaa in uu maraakiib ka caawiyey dagaalyahanno iyo Hub Soomaaliya ka soo galay Yaman. Waxa uu ka soo goostay Al Shabaab bishii December 2015 markaas oo uu ahaa ku xigeenka dhaqaalaha AL-SHABAAB buuraha Golis. Waxa uu saldhiggiisu yahay gobolka Bari.

Cabdiraxmaan Faahiye – oo sidoo kale loo yaqaan (Axmed Aadan, Khaalid, Yacquub iyo Burane), waa Ciise Maxamuud/Majeerteen. Waxaa sidoo kale la warinayaa in uu yahay ku xigeenka Muumin. Waxa uu ka dambeeyey qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Bosaaso ka dhacay bishii Maajo 2017. Waxa uu ka soo jeeda Dishiishe, Daarood.

Abuu Yusuuf, sidoo kale waa Majeerteen/Daarood waana muwaadin Mareykan ah, waxa uu qaabilsan yahay arrimaha dibedda.

Cabdixakiim Dhuqub, waxa uu hore u ahaa macallin School iyo hoggaamiye Al Shabaab oo gobolka Bari ah. Waxa uu ahaa isku xiraya Al Shabaab iyo koox si gaar ah dagaal yahanada u soo daabusha ilaa iyo 2014/2015. Waa jufada Ismaaciil Cali, Cali Saleebaan, Majeerteen/Daarood waana Ina adeerka Muumin. Dhuqub waa madaxa arrimaha siyaasadda ee DAACISH.

Xamse Farey waa madaxa Dacwada, waxa uuna ka bedelay Mahad Macallin. Waa Majeerteen/Daarood.

– Macallin Bashiir oo sidoo kale loo yaqaan (Cabdullaah Buur) waa Majeerteen/Daarood waxaana sidoo kale la wariyey in uu ahaa madaxa Dacwada ee ISIS.

-Cabdiqani Luqmaan waa madaxa hawlgaladda Militariga. Waa midkood Cali Saleebaan ama Leelkase.

Abu Xafsa waa Gaaljecel/Mogadishu Clan waana ku xigeenka Luqmaan. Waxaa da’diisa lagu qiyaasaa 30 jir waxa uuna xubin ka ahaa Al Shabaab-ta gobolka Hiiraan. Waxaa ka qabaa in uu yahay diiwaan galiyaha dagaal yahanada Koonfurta Soomaaliya oo uu kala shaqeeyo in loo yaqaan Jabal.

Fahad Aboole waa Ogaadeen/Darood waana madaxa saadka ISIS.

Xamsa waa abaanduule ciidan, waa Xawaadle/Mogadishu Clan.

Jacfar Dabashan waa abaanduule Ciidan. Waa Cismaan Maxamuud/Majeerteen/Daarood.

Cabdirashiid oo loo yaqaan sidoo kale (Mukhtaar), waa madaxa haynta hubka waxa uuna xiriir la leeyahay kooxaha sida sharcu daradda ah ku soo galiya ee ka shaqeeya gobolka Waqooyi Barri (Cauluula iyo Qandala). Waxaa sidoo kale la aaminsan yahay in uu madax u yahay amniyaadka (Waaxda sirdoonka iyo mukhaabaraadka).

-Xubnaha kale ee muhiimka ah waxaa ka mid ah Cabdiwali Maxamed Aw Yusuf “Walah” Waa Jifida Ismaaciil Cali, Cali Saleebaan/Majeerteen/Daarood; Abshir Maxamuud Mire Maxamuud oo sidoo kale loo yaqaan (Abshir Gardheere); Jaamac Ismaaciil Said Saalax oo sidoo kale loo yaqaan (Jaamac Dheere); Axmed Cumar Cali “Beerdhagax” (Waxaa looga shakinsan yaahy in uu hubka keeno); Cabdiraxmaan Yusuf Maxamuud Aadan; iyo Maxamed Bile Gash Yuusuf.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this