Sign in to follow this  
Deeq A.

ROOBOW lama mid ahan ZAKARIYE – Afar sabab oo lagu aamini karo Zakariye

Recommended Posts

Deeq A.   

Markii ay dowladda federaalka ku dhawaaqday inay kasoo horjeeddo musharaxnimada Mukhtaar Roobow ee xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaa billowday dood lagu taageerayo ayada oo qiil laga dhigayo in xubno horey Al-Shabaab uga tirsanaa ama ku dhowaa ay xilal hayaan iminka.

Waxaa tusaale loo soo qaatay Sheekh Shariif, oo madaxweyne soo noqday, Axmed Madoobe oo ah madaxweynaha Jubbaland, iyo Zakariye Ismaaciil Xersi oo ah madaxa sirdoonka NISA. Waxaan rabaa inaan si gaar ah ugu eego qormadan sababta Zakariye iyo Roobow aysan isku mid u ahayn, islamarkaana Zakariye loo aamini karo, oo aan loo aamini karin Roobow.

1 – Zakariye ma qasbaneyn – Markii uu Zakariye dhowr snao ka hor kasoo goostay Al-Shabaab, oo uu dowladda isku soo dhiibay, wuxuu sidaas ku sameeyey doorashadiisa, iyo inuu ogaaday in Al-Shabaab aysan dan u ahayn dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Ma jirin cadaadis saarnaa oo go’aankaas ku qasbay. Hase yeeshee Roobow, wuxuu kasoo baxsaday Al-Shabaab ama laga bad-badiyey, ayada oo naftiisa ay halis ku jirto, oo u baahan dowladda. Inkasta oo Al-Shabaab ay is-khilaafeen, haddana muddo ayuu iskiis u ahaa argagixiso, oo ma dooran inuu dowladda isku dhiibo.

2 – Zakariye waa is-caddeeyey – Zakariye markii uu dowladda usoo goostay, wuxuu si cad u cambaareeyey Al-Shabaab, una sheegay inuu ka baxay. Sidoo kale wuxuu cambaareeyey falalka argagixiso. Roobow warkiisa wuxuu u ekaa nin laba qalbiyeyn ay ku jirto. Xitaa inuu isa soo dhiibay ma sheegin, ee wuxuu yiri “Dowladda wada-hadal ayaa na dhex-maray”, ilaa hadda Roobow ma cambaareyn falalka argagixisanimo. 

3 – Zakariye waqti ayuu sugayey – Ka hor inta aan xilka madax sirdoonka NISA laga dhigin, Zakariye sanado badan ayuu dowladda la shaqeynayey. Wuxuu dalka ku biiriyey macluumaad badan oo Al-Shabaab ku saabsan, oo nolol badan ay ku bad-baaday. Waxaa gudbay waqti badan oo dowladdu ku ogaatay inuu daacad yahay. Roobow sanad ka yar ayaa kasoo wareegtay markii uu soo goostay welina lama yaqaan waxa u qarsan.

4 – Zakariye wuxuu ku dhex-jiraa DF – Zakariye, waxa uu ku dhex jiraa dowladda, oo dhinac ugama baxsana, wayna fududahay in la ogaado, xitaa haddii qaladaad laga arko, balse Roobow wuxuu doonayaa inuu maamulo 3 gobol oo Al-Shabaab ay ku xooggan yihiin. Bal qiyaas, hadduu madaxweyne noqdo, oo saddexda gobo gobol ee Baay, Bakool, iyo Shabeellaha Hoose uu hoos geeyo Al-Shabaab.

Sidaas darteed Roobow iyo Zakariye isku mid maaha, qiilna loogama dhigi karo in Roobow lagu aamino saddex gobol.

W/Q Saciid Axmed Cabdullahi
London, United Kingdom

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this