Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo Maalgeshiga Afrika Kula Tartamaya Shiinaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Mareykanka  Donald Trump ayaa la filaa inuu maalmaha soo socda ogolaado hindise cusub oo noqon-doona Istaraatiijiyad ay Mareykanku ku Maal-geshtaan qaaradda Afrika.

Qorshahan Maalgeshiga Mareykanka ee Afrika, waxaa dejiyey shakhsiyaad ku jira Congress-ka, qorshaha ayaa ah mid lagula dagaalayo saameynta dhaqaale iyo mid siyaasadeed ee Shiinaha ka wado qaaradda Afrika gaar ahaan dalalka ka hooseeya saxaraha.

Mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda oo Saxaafadda la hadlay waxaa uu yiri “Qorshahan waxaa uu badal wanaagsan u yahay maalgeshiga Shiinaha”.

Qorshahan maalgeshiga Mareykanka oo loogu magac daray “Adeegsiga wanaagsan ee maalgeshi keena horumar”, waxaa ku baxaya  $60 billion.

Dalalka Afrika ee ka faa’ideysanaya maalgeshiga Mareykanka waxaa ka mid ah dalalka bariga Afrika.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this