Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Mass Afur in Hargeisa

Recommended Posts

Hoteelka Maan-Soor ee magaalada Hargeysa waxa ka dhacay habeenkii Jimcaha ee taariikhdu ahayd September 19,2008 “19 Ramadaan 1429”, munaasibad ay yartahay inay nooceeda oo kale ka dhacdo magaalada Hargeysa iyo guud ahaan magaalooyinka Somaliland. Munaasibaddaas oo ahayd Afur Wadareed ay ka soo qaybgaleen haldoorka dhallinyaradu waxa soo qaban qaabiyay Naadiga Akhristayaasha Hargeysa “Hargeisa Readers’ Club, HRC”. Waxaanay ahayd munaasibaddii labaad ee nooceed ah ee uu qabto naadigu, iyada oo mid tan la mid ah uu sannadkii hore naadigu ku qabtay Hoteelka Fish And Steak House.

 

Munaasibadda ka dhacday Hoteelka Maan Soor, ka sokow inay ahayd madal la iskugu yimid, waxa lagu soo bandhigay barnaamijyo kala duwan oo isugu jira wacdi diini ah, aqoon korodhsi, falanqayn ku saabsan ahmiyadda ay leedahay iyo baahidda loo qabo in la ururiyo suugaanta soomaaliyeed iyo waliba masrixiyado ku saabsan dhaqanka oo hoga tusaalayn iyo maaweeloba isugu jira.

 

 

Ugu horeyn munaasibaddu waxay ku bilaabantay khudbad diini ah oo u soo jeediyay Sh. Almis H. Yaxya oo cinwaankeedu ahaaa “Ramadaan Bishii Guulaha”, waxaanuu ku dheeraaday ahmiyadda bisha ramadaan ay ugu fadhido dadka muslimiinta ah, iyo sida aanay ugu koobnayn uun faralka soonka ee ay ku calaamadsantahay bisha Ramadaan guulo badan oo dadka muslimiintu gaadheen marka laga soo bilaabo dagaalkii ugu horeeyay ee muslimiinta iyo gaaladdu iskaga horyimaadaan ee Badr, halkaas oo uu sare u kacay calanka muslimiintu illaahayna u guul balaadhan ku siiyay.

 

Sh. Almis waxuu sharaxaad badan ka bixiyay in bisha ramadaan ay tahay bil shaqo haddii ay noqoto shaqo loo shaqaysanayo aakhiro iyo haddii ay tahay mid loo shaqaysanayo adduunyada, dhinaca kalena, waxa uu ku tilmaamay dhaqan foorara aragtida ay dadka soomaaliyeed ka qabaan Ramadaanta ee ah in lagu qaato hurdo dheer iyo waxyaalo waqtiga lumiya. Isaga oo taas sii bayaaminaya, waxa uu Sh. Almis tibaaxay in camalka ugu faa’iidada badan uu yahay kan la qabto bisha ramadaan gudaheeda haddii uu yahay mid aakhiro iyo mid adduunyo inataba.

 

Intaas ka dib, ka soo qayb galayaashii kulanka oo tiradoodu kor u dhaafaysay 150 xubnood oo isugu jiray wiilal iyo gabdho waxay u holladeen afurka oo diyaar ku ahaa miisaska dushooda. Afurka ka dibna, waxay u dareereen gudashada salaadda Maqrib oo ay ku oogeen Hool wayn oo loo sii goglay.

 

Barnaamijka munaasibadda hal muceedkiisu waxa uu bilaabmay uun markii ka soo qaybgalayaashu ay ka faraxasheen cashada, waxaana isku xigay laba barnaamij oo suugaan ah oo uu u dhaxeeyay filim ka hadlaya mucjisooyinka qur’aanka ku duugan ee ku saabsan abuurka kawnka iyo sida wax badan oo cilmiga casriga ah imika uun lagu ogaaday hore loogu xusay Qur’aanka Kariim-ka ah in ka badan 14 qarni ka hor.

 

Qoraaga wayn iyo suugaanyahanka caankaa ah ee Cabdi Yuusuf Ducaale “Boobe” ayaa ugu horeyn ka soo jeediyay madasha qormo ku saabsan muhimadda ay leedahay iyo baahida loo qabo in la ururiyo suugaanta soomaalida taas oo qarka u saaran inay lunto meeshana ka baxdo ka dib markii haldoorkii iyo ruugcadaagii iyagu xaadirka u ahaa, maskaxdoodana ku kaydiyay ay raabe raabe iskaga daba tageen, aakhirona u hayaameen “Alle ha u naxariistee”, iyo waliba iyada oo aanay jirin cid u xilsaaran oo lagu ogyahay ururinta iyo kaydinka suugaanta soomaaliyeed.

 

Boobe waxa uu xusay in marka laga hadlayo ururinta suugaanta laga hadlayo wax kasta oo mudan in la ururiyo oo ay ugu fadala cadcad yihiin Suugaanta, Aqoonta ama culuum-dhaqameedka, Taariikhda bulshada, farshaxanka iyo muusigadda iyo waxyaabaha kale ee umadda u ah dhaxalka.

 

Isaga oo ka hadlaya baaxadda ay leedahay hawshaasi waxa uu Boobe tibaaxay in adduunyada kale ay jiraan xarumo miisaaniyadahooda iyo shaqalaahoodaba leh oo u go’ay hawshaas ururinta suugaanta iyo guud ahaan dhaxalka bulshooyinkaas, waxaana u tusaale u soo qaatay Akaadamiyaddii Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta ee dalkii Soomaaliya, oo inkasta oo si dheeli-tiran oo dhexdhexaad ah aan marka horeba wax loo ururin jirin, sida uu Boobe ku dooday, haddana kaalin fac wayn ka qaadatay ururinta iyo kaydinta waxa ilaa maanta la hayo ee sugaan soomaaliyeed ah. Laakin nasiib darro Akaadamiyadaasi waxay la god gashay burburkii ku dhacay Somaaliya oo dhan bilawgii 1991 kii.

 

Biyo dhaca odoroska Boobe wuxuu ku shubmayay in fadhiga laga kaco oo loo hawl galo sidii loo daba qabatayn lahaa suugaanta soomaaliyeed ee xaalufku ku dhacayo intaanay wada galban. Intaas kumuu joogine, Boobe waxa uu iftiimiyay goobo laga bilaabi karo hawshaas ururinta suugaanta soomaaliyeed oo ay ugu mudan yihiin:

 

* Radio Hargeisa: Oo ah kaydka ugu da’da wayn ee suugaan soomaaliyeed oo tiro iyo tayoba leh laga heli karo.

* Website-yada Somaalidda, oo laga heli karo suugaan baaxad wayn oo ka kooban dhamaan heerarkii ay soo martay suugaanta soomaaliddu.

* Telefishanada soomaaliyeed.

* Dukaamada Cajaladaha lagu iibiyo.

* Wargeysyada maxaliga ah oo ay ku duugan yihiin suugaan noocyo badan oo aan inta badan isku xidhnayn balse u baahan in dedaal la galiyo.

* Buugaagta oo xiliyadan dambe tiradadoodu aad isku soo taraysay. Waxana uu tusaale u soo qaatay buugaagta cusub ee suugaanta ah, buuga ku saabsan taariikh-nololeedkii Yuusuf Xaaji Aadan Qabile o ay qortay Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ay ku ururisay suugaantii iyo dhaxalkii aabaheed. Buuga Hangool oo dhawaan soo baxaya oo uu qoray Maxamed Aadan Tarabi oo ku ururiyay suugaantii aabihii Aadan Tarabi.

Waxa kale oo buugaagtaas ka mid ah, buuga Mahadhadii iyo Waxqabadka Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac 'Gaariye' ee u qoray Cabdiraxmaan Faarax Barwaaqo ee suugaanta Abwaan Gaariye lagu ururiyey iyo labada buug ee uu qoray qoraaga Maxamed Baashe Xaaji Xasan ee Hal Ka Haleel iyo Hal Aan Tabayay oo uu ka qoray suugaanta abwaanadda Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” iyo Xaaji Aadan Afqalooc.

* Jaamacadaha iyo hayadaha cilmi baadhista oo iyagana ay tahay inay sameeyaan xarumo lagu kaydiyo suugaanta iyo aqoonta kale ee ay bulshadu leedahay intaba.

 

Goob ay yartahay inta ku baraarugsan in laga heli karo suugaan fac wayn oo uu Boobe daaha ka rogay isla markasna ka soo qayb galayaashii kulanka la yaab ku noqotay ayaa ahayd Marfishyada lagu qayilo ee dadka soomaalida ahi isugu yimaadaan. Boobe waxa uu tilmaamay in saacadaha badan ee lagu qaato marfishyada iyo firfircooniyada laga helo geedkaas cagaaran ay saamixi karaan in looga faa’iidaysto in suugaanta laga yaabo inay hayaan muqayiliintu laga qoro ama laga duubo oo sidaas umadda loogu kaydiyo.

 

Ugu dambayntii Boobe waxa uu soo jeediyay qodobo wax weyn ka tari kara ururinta iyo kaydinta suugaanta soomaaliyeed ee mustaqbalka fog kuwaas oo la fulin karo heer sakhsi ilaa heer qaran ayna ka mid yihiin:

 

* In dadka lagu dhiiri galiyo dhaqan ka dhigashada duubista iyo ururinta waxyaabaha dhaxal-galka ah laguna abaal mariyo,

* In la dhiiri galiyo suugaan ururinta qoyska dhexdiisa ah sida ka muuqata buugtaaga aan kor ku sheegnay ee Foosiya Yuusuf ka qortay aabaheed ama kan Mohamed Aadan Tarabi qoray, waayo suugaanta waalidka iyo mahadhadiisa ciddina iskuma hawsho umana faro dhuudhuubnaato in ka badan inta uu ubadkiisu waqti siiyo.

* In la kordhiyo hay’adaha ku hawlan ururinta suugaanta, iyo

* In agab cusub oo lagu ururin karo loo helo suugaanta sida qaababka Digital-ka oo kale.

 

Intaas ka dib munaasibadda waxa lagu soo bandhigay Filim ku saabsan mucjisooyinka qur’aanka kaas oo iftiimiyay aqoonta baaxadda leh ee ku duugan Qur’aanka Kariimka ah iyo sida uu uga waramay Qur’aanku waxyaabaha la xidhiidha kawnka aynu ku noolnahay asaaskiisa, qaab dhismeedkiisa, qaaciidooyinka maamula iyo sida ay uga suurta gashay nololi guudkiisa. Waxyaabahaas oo dhan ayaa ah qaar aqoonta casriga ee banii-aadamku ay imika uun daahfurtay.

 

Gunaanadkii munaasibaddan Afur Wadareedka ahayd waxa ku soo bandhigay suugaan maaweelo, xujayn iyo hogo tusaalayn isugu jirtay kooxda TIXMIIR oo iyagu u ololeeya suugaanta hufan oo ay ku tilmaaman suugaanta aan ka hor imanayn diinta, caqliga saliimka ah iyo dhaqanka suuban intaba, taas oo ka madhan qodobo badan oo ay suugaanta soomaalidu caan ku tahay sida ka gabyidda colaaadda, duullaan guubaabada, isir durridda, baanista ku salaysan qabiilka, tookha iyo isla waynaanta.

 

Hadaba barnaamijka ay TIXMIIR kaga qayb gashay munaasibadan oo ay daadihinayeen labada abwaan ee Cabdilaahi Maxamuud Axmed “Tajwiid” iyo Sh Cabdiqaadir Malin Xasan “Ina macalin faroole” waxa uu u badnaa hogatusaalayn ku saabsan in dhalinyaradu isku waddo cibaadda, aqoonta diiniga ah, tan maadiga ah iyo shaqada intaba oo anay dhinac uun u dheeliyin.

 

Meerisyadii ay halkaas ka mariyeen kooxda TIXMIIR waxa ka mid ahaa baydkan oo uu tiriyay nin la dardaarmayay nimay ehel yihiin oo qurbaha u tacabirayay:

 

Balad dheeri waa kaad tagtoo maaha baashaale,

Baahidii kugaysaad qabtaa bixitinkeediiye,

Beenaalaha haraacine walaal badaw hakuu haysto,

Biirso oo wixii samo ah badi bari ilaahayna.

 

Marka laga yimaad madashii laga tiriyay ama munaasibadda ay ku timid, tixdani waxay koobsanaysaa xikmad aad u qotodheer oo ay tahay in qof wal oo qurbe u baxaya ama degalkiisa ka dal doorsanayaa uu maskaxda ku hayo, waliba xiligan oo dhalinyartu ay qurbaha u xadhko xidhan yihiin.

 

Abwaan Cabdiqaadir mar uu ku boorinayay ka soo qayb galayaasha inay cibaadda Ilaahay iyo camalka suuban ku baraarugsanaadaan oo adduunyo iyo aakhiroba u shaqaysataan waxa uu mariyay meerisykan:

 

Waa inaad markaad jimicsataan jamaca oogtaane

 

Mar kalena isag oo hogatusaalaynaya in sida adduunka loogu dedaalo ee qofku aanu u jeclayn inuu jeebkiisa ama hayntiisa adduunyo ay hoos u dhacdo ay lagama maarmaan tahay inuu aakhirona ugu warwaro waxa uu yidhi Cabdiqaadir Macalin Faroole:

 

Jiisaan haddii aad tagtood jeeg sarifanayso

Ma jeclaatid inuu qiimo jabo, jeeb aad leedahaye

Jaaquf lama noqdee, waa inaad jinaha buurtaaye

Jaahil yaanuu kaa helin gol jilic, wuu ku jabiyaaye

Jidka toosan adigoo maraa, lagu janoobaaye

Jahanama Allaw naga fogee jiirta aakhiro.

 

Ina macalin faroole mar kale isaga oo baanaya isla markaasna ku nuuxnuuxsanaya xeel dheeridiisa suugaayahanimo waxa uu yidhi:

 

Jacburkuna marbuu fiican yahay oo dadkaa jecele

Jiilaal abaara iyo jir da’ay waaba kala jaade

Jalam qalam haddii aad tidhaa jiimku waa xarafe

Carab jalanqo adigoon lahayn oo jajabinaynin

Soo jiidaashuu leeyihiyo jiib wanaag badane

Jamjam hadalka goortaan ka dhigo waad jeclaysaniye

Jiqjiqinta sheekada dadbaan jiifsan karahayne

Jaljalawda weedhaha,wax badan jaarku wuu qoriye

 

Dhinaca kale abwaanku isaga oo u duur xulaya dhalinyarada goobta isugu timid ee hablo iyo wiilalba lahayd oo malaha uu ka arkay inay doobab iyo gashaantimo u badan yihiin waxa uu si sarbeeb ah u yidhi:

 

Jacayl nimuu dukaasaday, inuu guursadaa jidahe

Maaha inuu jar haadaana galo, uu jaqaadsade’e

Ka joogsada xumaan iyo macsiyo jiil Allaan nahaye.

 

Ugu dambayntii, abwaanku isaga oo la hadlaya dadka qaar ee aan uba haysan suugaanta iyo afka soomaaligu inuu yahay cilmi ama aqoon la is dheer yahay ama la isku taxalujin karo waxa uu yidhi:

 

Lahwi maaha odhaahduye

Luqadii wadankaagaaa

Labaraa ubadkaagee

Warka laabta ka qaado

 

Isku soo wada duuboo munaasibadaasi waxay ahayd mid dhinacyo badan koobsatay, hadday tahay waano, guubaabo, aqoon korodhsi iyo maaweelo intaba. Waxaanay ka mid noqotay habeenada ma hadhada reebay ee la xasuusan doono waayo badan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Miriam1   

Oh. Under the caption of "Mass Afur" I was really expecting something else.

 

Is a similar gathering held for the poor/less fortunate?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

^^So was I, but then JB is the high class average Somalilander. Why would I think he will host an event for the poor baal and sit and eat with them. This is the rich, educated ones with nice clothes and bill.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ You mean all these well dressed people in this nice hotel are really dirt poor? War yaad waxan o sheegasa? It's us saaxib and with no aid agency in sight. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

^^Where they given nice new clothes at the door and then fed?? That would be so nice.

 

I can tell these one are rich, they use face cream and are reading the menu. A poor man does not care what you give him as long as he can eat it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

^^LOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOL

 

No they got hungry looking at it, but it was not time yet. so they tried to hide it from their eyes or cover it from the dust.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

I can say all of them are qurbo joogto who went there for holiday during Ramadan to have less hours there of fasting, and are populating the afur that was prepared for the poor people.

 

I would say shame on Mansoor hotel, masaakiinta weyba ka faanayaan iney hoteelkooda ka afur siiyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

hrc_6.jpg

:D:D the guy on the right is already licking his lips - maskiin!!! couldn't just bought a small plates of dates and milk before all this food in front of them and i bet they had to wait for an hour before they could break their fast

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this