Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan looga hadlay Hannaanka Maaliyadda Somalia oo Maanta lagu qabtay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Maaliyadda_Dalka_Hagaajin-1.jpg?resize=8Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo kormeer ku tegay Bangiga dhexe ee dalka ayaa guddoomiye ku-xigeenka bangiga iyo wasiirka maaliyadda xukuummadda federaalka Soomaaliya la yeeshay kulan looga hadlayay dardar-gelinta hagaajinta maamulka maaliyadda, ilaalinta hantida dadwaynaha, qorshaha cafinta daymaha dalka lagu leeyahay, kordhinta dakhliga, daahfurtaanta, isla xitaabtanka iyo daabacaadda lacagta cusub ee dalka.

Guddoomiye ku-xigeenka Bangiga dhexe iyo wasiirka maaliyadda ayaa ra’iisul wasaare Khayre uga warbixiyay tilaabooyinkii ugu dambeeyay ee loo qaaday horumarinta hannaanka maaliyadda, caqabadaha jira iyo hannaanka lagu xallin karo.

Ra’iisul wasaare Khayre oo mas’uuliyiinta wasaaradda iyo bangiga ku ammaanay dib-u-hagaajinta hannaanka maaliyadda dalka, ayaa ku boorriyay sii xoojinta shaqada si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale oo dhammaystiran, isaga oo si gaar ah ugu sheegay in bixinta mushaarka shaqaalaha iyo ciidanka qaranka ay muhiimmad gaar ah u leeyihiin xukuummadda.

“Dawladda waxaa sharaf u ah in 21-kii bilood ee lasoo dhaafay ay bil waliba mushaharka shaqaalaha iyo ciidanka ay joogtaysay. Waxa aan idinku amrayaa in mushaarkaas aad ku bixisaan waqti sax ah, joogto ah oo aan laalaab lahayn”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sidoo kale ka qayb galay kulan ay xarunta bangiga dhexe ku lahaayeen madaxda bangiyada gaarka loo leeyahay iyo guddoonka bangiga dhexe kaas oo looga hadlay sidii shaqooyinka bangiyada gaarka loo leeyahay loogu salayn lahaa Sharciga maaliyadda dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa madaxda bangiyada kula dardaarmay in si wadajir ah ay uga qayb qaataan horumarinta dhaqaalaha dalka iyo hir-gelinta sharciyada, waxa uuna xasuusiyay in horumarinta shaqooyinka bangiga dhexe ay sidoo kale awoodaynayso bangiyada gaarka loo leeyahay.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mduane Xasan Cali Khayre ayaa kormeeray wasaaradaha dekadaha iyo duulista hawada oo uu kala hadlay fulinta qorshayaasha hor-tebinta leh si loogu guulaysto dhammaystirka ajanyaasha qaran ee fududaynaya soo kabashada dalka.

Maaliyadda_Dalka_Hagaajin-2.jpg?resize=8 Maaliyadda_Dalka_Hagaajin-3.jpg?resize=8 Maaliyadda_Dalka_Hagaajin-4.jpg?resize=8 Maaliyadda_Dalka_Hagaajin-5.jpg?resize=8

PUNTLAND POST

The post Kulan looga hadlay Hannaanka Maaliyadda Somalia oo Maanta lagu qabtay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this