Sign in to follow this  
Deeq A.

MAHAD Maxamed waa wiil yar oo kooxda Al-Shabab dhibbane u ah (Warbixin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxa uu heystay Aabe ka fakara noloshiisa, ku dhiira geliya waxbarasho iyo inuu dhisto Mustaqbalkiisa, laakiin rajadaas waxa ay idlaatay maalin sabti ah 14-kii October 2017-kii, Markii Mahad Maxamed Aabihiis uu kamid noqday muwaadiniintii lagu waayey weerarkii Argagixsada Al-shabaab ay ka fuliyeen Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Si uu u buuxiyo kaalintii Aabihiis Maxamed oo Isgoyska Zoobe ku iibin jiray cabitaan ama sharaab ayuu Mahad Maxamed qaatay masuuliyad weyn oo ah in uu dabaro nolosha walaalihiis iyo Hooyadiis oo markii hore ku tiirsanaa Aabe Maxamed.

“Aabahey wuxuu cabitaan ku iibin jiray Isgoyska Zoobe, markii qaraxa uu dhacayey waxyar kahor ayaan ka tagay meeshaas, adeeg ayuu reerka iigu dhiibay, markii aan sii marayo Suuqa beerta ayuu qaraxa dhacay, markii aan meesha dib ugu soo laabntayna waxaa laigu yiri Aabahaa Allaha u naxariisto”ayuu yiri Mahad Maxamed oo hadda caseeyanimo ku shaqeysta.

Maadaama aan la helin meydka aabihiis waxaa uu waqtiyo dhowr ah niyeysan jirin maruun in la helo aabihiis, balse ugu dambeyn waxa uu aaminay geerida aabihiis.

“Reerka hadda aniga ayaa u shaqeeya si aan u buuxiyo booskii Aabe oo aan ugu shaqeeyo walaalahey iyo Hooyadey, waxaan ahay caseeye, runtii aabahey waa la waayey muddo ayaana sugayey laakiin ugu dambeyn waan ka samray,ayuu sii raaciyey isagoo ilmeynaya Mahad Maxamed.

Mahad waxa uu mar waliba soo gocdaa laxowgii iyo daryeelkii uu ka heli jiray Allaha u naxariistee Aabihiis Maxamed oo ku bogaadin jiray in nolosha uu heer sare ka gaaro.

“Aabahey Maxamed wuxuu i dhihi jiray waxbaro, Salaadaada Tuko, Mustaqbalkaaga dhiso, waxba ha qabanin ii naso, markii Dacaska ama kabaha ay iga soo go’aan wuu iga tuuri jiray kuwo cusub ayuuna i siin jiray, majiro cid noo buuxi karta booskii aabe, Aad ayan u jecleyn aabaheen hadana ma heysano qof sidiisa oo kale noo xanaaneeya”sidaas waxaa yiri Mahad Maxamed.

Mahad Maxamed si kaste oo ay noloshu ugu adkaatay waxa uu leeyahay hami weyn oo mar uun uu rajeynayo in uu gaaro.

“waxaan rabaa inan Madax noqdo, markaasna waxaan daryeeli doonaa dadka aan waxba heysan ee danyarta ah, waxaan waxbari doonaa caruurta, sidoo kalena waxaan kaalmeyn doonaa qoysaskooda”ayuu yiri Mahad.

Mahad Maxamed waxa uu kamid yahay boqolaal caruur ah oo ay waalidiintood xasuuqeen Argagixisada Al-shabaab, kuwaas oo daqiiqad gudaheed ku laayey inkabadan 500-boqol oo ruux oo shacab ah oo aan waxba galabsan.

W/D: Muhudin Moalim Abdulle

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this