Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo sheegtay in ay Soomaaliya dib ula midoobayso haddii dowlad waxtarleh ka dhalato

Recommended Posts

Deeq A.   

Ergeyga Somaliland u qaabilsan wada-hadallada dowladda Federaalka Soomaaliya,Adna Aadan Ismaaciil ayaa sheegtay, in haddii Soomaaliya ay ka dhalato dowlad umaddu soo dooratay oo waxtarleh,ay Somaliland diyaar u tahay, in ay dib ula midowdo dalka intiisa kale.

Marwo Adna, waxay sheegtay in mar walba Somaliland u diyaarsantahay wada-hadallo ay la gasho Soomaaliya,laakiin dhinaca Koonfurta laga la’yahay cid si dhab ah u matasha oo Somaliland kala xaajoota arrimaha masiiriga ah ee labada dhinac.

Ciddii aad la hadli lahayd baa annaga naga maqan. Eretria iyo Ethiopia markay wada-hadlayeen,laba dowladood bay ahaayeen oo hadalka iska’dhegaysta. Annagu Soomaaliya cid aan la hadalnaba garan mayno. Gobolkeen la hadalnaa? Yaa matala Soomaaliya? Yaa af-hayeen u wada-ah? Yaa ka wada-mas’uul ah? Yay soo wakiisheen?” ayay tiri Adno oo wareysi gaar ah siisay VOA-da.

Sidoo kale waxay sheegtay in markii horeba midowgii Koonfurta iyo Waqooyiga Soomaaliya ee labada gumaysi u kala xidhnaa uu ku yimid is-ixtiraam iyo walaalnimo Soomaalida dhexdeeda ah,balse dhibaatooyinkii dhacay ay sababeen in dalku uu kala go’o,haddiise wanaagii iyo walaalnimadii la soo cesho mar kale la midoobi karo.

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo sheegtay in ay Soomaaliya dib ula midoobayso haddii dowlad waxtarleh ka dhalato appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this