Sign in to follow this  
Deeq A.

Mukhtaar Roobow oo ka jawaabay hadalkii ka soo yeeray Wasaaradda Amniga

Recommended Posts

Deeq A.   

Xili dhawaan Wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya ay ka soo horjeysatay in Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur uu isku soo sharaxo jagada madaxtinimo ee Koonfur Galbeed ayaa arintaasi waxaa jawaab ka bixiyay Abuu Mansuur.

Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo maanta khudbad ka jeedinayay xaflad lagu taageerayo oo ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa soo hadal qaaday sida uu arko go’aankii ay soo saartay Wasaaradda amniga Soomaaliya.

Abuu Mansuur ayaa sheegay in aanu u hogaansami doonin amarka ka soo baxay dowlada Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda amniga.

Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in uu isku soo sharaxay kadib codsi ka yimid dadka reer Koonfur Galbeed.

Mukhtaar ayaa ku tilmaamay hadalka dowlada ka soo yeeray in uu la mid yahay hadaladii dhaliyay khilaafka u dhaxeeya dowlada Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.

Dhawaan Wasaaradda amniga ayaa sheegtay in Mukhtaar Roobow oo kal hore ka mid ahaa Al-shabaab uusan wali buuxin shuruudaha musharaxnimo islamarkaasina wali dowlada ay baaritaano ay waday ay wax uga dhimanyihiin.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post

The post Mukhtaar Roobow oo ka jawaabay hadalkii ka soo yeeray Wasaaradda Amniga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this