Sign in to follow this  
Deeq A.

Arag Sawirrada: Cutubkii u horreeyey ciidamada uu tababaray Turkiga oo lagu wareejinayo DF Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta la filayaa inay la wareegto cutubkii u horeeyay Ciidamada uu tababaray Turkiga ee ku jira Saldhigga Milateri ee ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Turkiga ayaa u tababaray dowladda Soomaaliya kumanaan askar oo la siiyay tababar casri ah, iyadoo horay dhowr cutub tababar loogu soo gabagabeeyay xerada.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galaya munaasabadda lagu wareejinayo Ciidamada uu Turkiga tababaray oo qeyb ka noqon doona Ciidanka xoogga dalka.

Ammaanka Waddooyinka soo gala Saldhigga Turkiga illaa qeybo ka mid ah degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir ayaa la adkeeyay, iyadoo munaasabadda maanta lagu wareejinayo Ciidamada loo tababaray dowladda ay goobjoog ka noqon doonaan qaar ka mid ah Safiirada Beesha Caalamka u fadhiya Muqdisho

Dhanka kale waxaa maanta lagu dhaariyay 47 Saraakiil iyo Layli Saraakiil,kuwaas oo uu tababaray Turkiga ayaa maanta lagu dhaariyay Muqdisho.

Munaasibaddan waxaa ka qeyb galay Saraakiil ka mid ah Milatariga Soomaaliya sida Taliyaha Ciidanka Milatariga Daahir Aadan Cilmi, Taliyihii hore C/Wali Jaamac Gorod, Wasiirka Gaashaandhigga Amar-dambe, Guddoomiyaha Gobolka Yariisow iyo xubno kale.

Munaasibadda dhaarinta kaddib ayaa waxaa goobta khudbado ka jeediyay mas’uuliyiintii ka qeybgalay,waxaana ay saraakiisha iyo saraakiil xigeenta kala jebiyay kula taliyeen in ay daacad u noqdaan dalkooda.

Saraakiishan ayaa tababaranayay muddo sanad ah,waxaana tababarka bixinayay saraakiil ka socoto Turkiga oo saldhigga gacanta ku haya.

Dadka ka qeybgalay munaasibadda waxaa ka mid ahaa Waaliddiinta iyo Ehelka Saraakiisha dhameystay tababarka oo waalidkood la casuumay.

Turkiga ayaa dowladda Soomaaliya ka taageera dhinacyo badna, iyadoo Safaaradda ugu weyn ee Afrika uu ku leeyahay magaalada Muqdisho.

G5.png G4.png G3-1.png G2.png G1.png G-1.png

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this