Sign in to follow this  
Deeq A.

Roobow “Al-shabaab Waan Ka Tirtiraa K/galbeed”

Recommended Posts

Deeq A.   

Musharrax madaxweyne K/galbeed, Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo maanta la kulmay xildhibaannada K/galbeed iyo sidoo kale waxgaradka maamulkaasi ayaa ka hadlay arrimo badan.

Inkastoo uusan soo hadal qaadin go’aankii wasaaradda amniga DFS ee ahaa inaanu ka qeybgali karin doorashada madaxweyne ee maamulkaasi ayuu hadana wuxuu sheegay inuu yahay musharrax xilkaasi u taagan.

Waxa uu sheegay in haddii la doorto wax badan uu ka qaban doono arrimaha amniga, islamarkaana Al-shabaab ka saari doono gobollada K/galbeed.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/ROOBOW.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this