Deeq A. Posted October 6, 2018 Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye Somaliland,Jaamac Ismaaciil Cige(Jaamac Shabeel) ayaa Sabtida maanta ah sheegay, in ciidamo hubaysan ay ka hor istaageen xarunta xisbigaasi ku leeyahay magaalada Hargeysa. Xubno ka tirsan guddiga fulinta xisbiga Kulmiye ayaa maalmo ka hor shaaciyay,in ay xilka qaadis ku sameeyeen Jaaamac Shabeel,islamarkaana ay ka saareen xubinnimadii Xisbiga,sida ay hadalka u dhigeen. Hase yeeshee , Jaamac Shabeel ayaa gebi ahaanba ka horyimid go’aanka xubnahaasi,waxaana uu golaha dhexe ee xisbiga ku wargeliyay in ay kulan deg deg ah isu’gu yimaadan lixda bishan October oo maanta ku beegan. Haddaba Jaamac Shabeel oo saaka shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa,ayaa sheegay in ciidamo hubaysan ay u diideen in uu galo xarunta xisbiga,sidoo kalena la xidhay weriyaal isaga la socday . halkaan ka daawo shirka jaraa’id PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Jaamac Shabeel oo loo diiday xarunta xisbiga Kulmiye appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites