Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo dalka Mozambique ku xasuuqday dad kor u dhaafaya 90 ruux oo shacab u badan

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay baahiyern Wargeysyada kasoo baxa dalka Mozambique maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ayaa weerar ay ka geysteen Mozambique ku dilay 90 ruux tan iyo markii ay bilaabeen weerarada.
Weerarada oo ahaa kuwo gaadma ah ayaa waxaa sidoo kale lagu dhaawacay 70 kale oo ay ku jiraan ciidamo ka tirsan Booliska Mozambique.
Taliyaha booliska dalka Mozambique Bernadino Rafael oo ay xiganayeen Wargeysyada ayaa xaqiijiyay in khasaaraha dhimasho ee weerarkaasi uu yahay 90 qof, halka dhaawaca uu gaaray 70 kale.
Waxa uu sheegay in tirada guud ee dadka ku maqan Alshabaab ay suuragal tahay inay kasii badan yihiin tirada lasoo sheegay.
Bernadino Rafael, ayaa sheegay in Kooxda Jihaadiyiinta dalka Mozambique ay  argagax ku abuuren dadka muwaadiniinta ku nool waqooyiga dalka.
Bernadino Rafael, waxa uu sheegay in Kooxda Alshabaab ay gubeen tuulooyin badan halka ay ka dileen Saraakiil iyo Shacab tan iyo markii ay Shabaab dilalka ka bilaabeen gudaha dalka.
Sidoo kale, Maleeshiyaadkan ayaa dhaqaalaha ugu badan ka hela iibinta Alwaaxa iyo Macadanta oo ay ku badan yihiin ganacsiga dalkaas.
Sanaddadii dambe ururo Islaamiyiin ah oo Al Qaeda xiriir la leh ayaa ka bilowday dalka Soomaaliya kuwaas oo markii dambe ku faafaay Kenya ilaa Tanzaaniya, waxaana macquul ah in ay soo gaareen dalka Mozambique.
Si kastaba ha ahaatee Bernadino Rafael oo ah Taliyaha ayaa sheegay in dalkiisa uu ka gaashaman doono weerarada kaga imaada Alshabaabka dalkiisa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this