Sign in to follow this  
Deeq A.

Koox la baxday Al-shabaab oo ku dhawaad 100-qof ku dishay Waddan ku yaalla Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Maputo_Mozambique_Capital.jpg?resize=817Maputo (PP) ─ Koox la magac-baxday Al-shabaab ayaa 90-ku dishay dalka Mozambique oo ka mid ah dalalka Afrika, kaddib markii ay weerareen dhawr goobood oo muhiim ah, sidoo kalena waxay gubeen guryo ay shacab ku noolaayeen.

Taliyaha Booliiska dalka Mozambique, Bernadino Rafael oo warbaahinta la hadlya ayaa sheegay in kooxdan ay dishay 90-qof, sidoo kalena ay dhaawac u geysteen 70-qof oo kale tan iyo markii ururkan sannadkii lasoo dhaafay ka bilaabay dalkaas weerarro arxan-darro ah.

Kooxdan ayaa argagax ku baahiyay waqooyiga dalka, waxayna weerarrku ku qaadeen tuulooyinka iyagoo u hubeysna mindiyo ay u adeegsanayeen Qoor-goynta dadka tuulooyinkaas ku nool.

Sidoo kale, Kooxdan la magia-baxday Al-shabaab ayaa gubay in ka badan 1000 guri, waxay weerareen xarumo boolis oo dalkaas ku yaalla, inkastoo aan la sheegin khasaaraha ay u geysteen.

Dhanka kale, Kooxdan Islaamiga ah ee weerarrada ka wadda Mozambique ayaan la ogeyn inay xiriir la leedahay kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta, iyadoo kooxdan ay dhibaatooyin ku hayaan shacabka dalkaas ku nool.

Ugu dabeyn, Sannadhii laso dhaafay ururro Islaamiyiin ah oo Al-qaeda xiriir la leh ayaa ka billaabay dagaallo, kuwaas oo markii dambe ku faafaay Kenya illaa Tanzaaniya.

PUNTLAND POST

The post Koox la baxday Al-shabaab oo ku dhawaad 100-qof ku dishay Waddan ku yaalla Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this