Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Mukhtaar Roobow kaga jawaabay go’aankii DF ay ku diiday inuu is-sharxo?

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhaba (Caasimada Online) – Kadib Wareegtadii ka soo baxday Wasaaradda Amniga Soomaaliya ee Muqtaar Roobow looga mamnuucay inuu isku sharxo xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, ayaa hogaamiyahan hore u ahaa Shabaabka wuxuu u muuqda inuu dhegaha ka fureystay warka dowladda, uuna sii wato ololihiisa.

Roobow ayaa shalay magaalada Baydhaba kulan kula qaatay qaar ka mid ah waxgaradka iyo dayaasha dhaqanka magaalada Baydhaba, iyo xildhibaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Dhinaca kale Roobow ayaa xildhibaanada Koonfur Galbeed shalay diray farriin ku saabsan ololahiisa doorashada iyo inuu qaban doono xaflad weyn oo si rasmi ah uu ugu shaacinayo musharaxnimadiisa maanta.

Farriinta.png

Si kastaba lama oga tallabada ay qaadi doonto dowladda Soomaaliya hadii Muqtaar Roobow uu kusii adkeysto inuu u tartami doono madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, waxaama sidoo kale wax jawaab ah weli laga hayn madaxweynaha maamulkaas Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa khamiistii si cad uga hor-timid musharaxnimada Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, oo shalay isku soo taagey xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo lagu tartamayo bisha November ee soo socota.

Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay war-Saxaafadeed lagu caddeeyay in Mukhtaar Roobow aanu geli karin doorashada Maamulka Koonfur Galbeed iyadoo ay weli saaran tahay cunaqabateyn caalami ah.

Wasaaradda ayaa sheegtay in go’aankan lagau saleeyey heshiisyada ay la gashay beesha caalamka ee la dagaalanka argagixisada, islamarkaana aanu Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur) buuxin, fulina shuruudihi lagaga qaadayey dhamaan cuna qabataynta la saaray ee falalka argagixiso.

Caasimada Online
Xafiiskii Baydhaba
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this