Sign in to follow this  
Deeq A.

Indha-Qarshe oo shaaciyey halis ay ciidamada xoogga kala kulmayaan ganacsato

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Somalia Janeraal Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe), ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan ganacsato dhibaatooyin ku heysa dareeska ciidamada.

Indha-Qarshe, waxa uu sheegay in Ganacsatada ay yihiin sababta koowaad ee dhibaatooyinka ciidamada xoogga, waxa uuna cadeeyay in sifo sharci daro ah ay ku iibiyaan dareeska ciidamada.

Waxa uu sheegay inay arrintaasi jirto,isla markaana ay ogyihiin,Nabadsugida,Wasaaradda Ganacsiga iyo cid walba si sharcidaro ahna lagu soo geliyo dalka.

“Adeer xisaabtan ayaa bilaaban doona cidna ugama aamusi doono darees ciidan oo si fudud looga ganacsado”

Indha-Qarshe, ayaa sheegay in Ciidamada xoogga dalka ay leeyihiin darees u gaara ah oo Calanka uu dhinac kaga dhegan yahay balse ay ka hortegi doonaan dadka ka Ganacsanaya dharka ciidanka.

“Ganacsatada dhibaato ayey nagu heysaa waxaanu sameyneynaa dabagal cidii aan ku helnaa falkaasi waxa uu mari doonaa sharciga”

Sidoo kale, Indha-Qarshe, ayaa wacad ku maray in Ganacsadihii lagu helaa ka ganacsiga dareeska ciidamada Xoogga uu ku hanta weyn doono, isagoo xili hore kasii digay in laga waantoobo.

Haddalka Indha-Qarshe, ayaa kusoo beegmaya xili Al-Shabaabka qudhooda ay xiriiro hoose la leeyihiin Taliyayaasha iyo Saraakiisha, halka ay ciidamo hubeysan ay ku dhex leeyihiin Talisyada ciidamada taa oo sahleysa in si sahlan ay ku helaan dareeska.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this