Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweeney laga dilay Horjooge caan ahaa kana tirsan Al-Shabaab oo si kedis ah ay Maxkamad go’aan uga gaartay (Sawirro)

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online)-Maxkamada Kenya ayaa amar ku bixisay in Xabsiga laga sii daayo Haweeneyda lagu magacaabo Hania Sagar oo uu ka dhintay Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu magacaabi jiray Sheekh Aboud Rogo Maxamed.

Qaaddiga Maxkamadda sare ee magaalada Mombasa Dalka Kenya Dora Chepkwony ayaa sheegay in baaritaano dheer kadib ay danbiyo ku waayen Xaaska uu ka dhintay Horjoogaha oo sanadii 2012-kii ay dileen Ciidamada Kenya.

Qaadiga ayaa sheegay in xariga Hania Sagar uu ahaa mid ku saleysnaa argagixisonimo, hase yeeshee xogaha lagu qabtay oo ahaa mid qabyo ah, sidaana ay ku muteysatay in Xabsiga laga sii daayo.

Sida ay baahiyeen wargeysyada kasoo baxa magaalada Kenya Haweeneyda Hania Sagar ayaa Bishii February ee Sanadkan 2018-ka racfaan ka qaadatay Maxkamadda sare ee Mombasa, iyadoo  sheegtay in xukun 10-sano ah uu si cadaalad darro ah ugu dhacay.

Waxa ay intaa raaciyeen qoraalkooda in Hania Sagar ka hor inta aan la xukumin lagu oogay in Haween saddex ah oo weeraray Saldhig Booliis Magaalada Mombasa 2016-kii.

Sidoo kale, Hania Sagar ayaa sheegtay in danbigeeda uusan aheyn mid argagixisonimo, hase yeeshee ay aheyd Hooyo lagu cadaadinaayay inay qirato danbiyo aysan laheyn.

Si kastaba ha ahaatee, Xabsiyada Kenya ayaa waxaa labadii sano ee ugu danbeysay buux dhaafinaayay Haween loo heysto kiisas argagixiso.

Hania.jpg

Hania-3.jpg

Hania-2.jpg

Fasaaa-13.jpg

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this