Sign in to follow this  
Deeq A.

Mahad Salaad oo sheegay sida uu arko go’aankii ay DF ku diiday musharaxnimada Roobow

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa bartiisa facebook soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo go’aankii uu Mukhtaar Roobow isugu sharxay madaxweynaha Koonfur Galbeed, iyo go’aankii ay wasaaradda amniga Soomaaliya ku diiday musharaxnimadiisa. Hoos ka aqriso qoraalkiisa.

Koonfur Galbeed waxaa ka sharaxan murashaxiin badan, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay tagayay magaalada Baydhabo oo xarun KMG ah u ah maamulka Koonfur Galbeed. Waxaan fahmi waayay, lana yaabay sababta warbaahinta dowladda gaar ahaan Telefishinka Qaranka (SNTV) u buunbuuniyay tagitaankii Hoggaamiyihii hore Al-Shabaab Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) shalay uu tagay magaalada Baydhabo!

Kaba soo qaad in la dhaho waa muwaadin Soomaaliyeed oo xaq ayuu u leeyahay adeegsiga warbaahinta dowladda sidoo kalena saaxiib dhow la ah Nabad iyo Nolol, inkastoo fursadaas aan la siinin murashaxiinta kale ee Baydhabo kusii qulqulaya. Laakiin yaa ii fasiri kara waraaqda kasoo baxday Wasaarada Amniga ee leh Roobow isma sharixi karo oo shuruudo ku qoran heshiisyo caalami ah oo dowladu gashay ayuusan soo buuxin?!

KADAROO DIBI DHAL!!!

Tolow Roobow ma wuxuu u tartmayaa hay’ado caalami ah oo wadamo badan ku bahoobeen sida Qaramada Midoobey (UN-ka), Midowga Yurub (EU), Midowga Africa (AU) iyo Jaamacada Carabta. Mise Soomaaliya ayaa maxmiyad (gumaysi) ku jirta oo dowladaha na heysta ayaa noo yeerinaya cida madax ka noqoneysa Soomaaliya?!

SIYAASADA SOOMAALIYA SAL FUDEYD UMA BAAHNA EE SI MIYIR QABTA WAX HALOO MAAMULO!

Hon. Mahad Salad

Qoraalka-Mahad-Salaad.png

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this