Deeq A. Posted October 5, 2018 Qoraalkan wuxu si qaas ah ugu hadlayaa waxa sababa in siyaasiyiinta south Africanka loo dila ayada oo lagu wareera cida beegsata. Bilowgii 2016 ilaa hada waxa la dilay ilaa 90 siyaasi oo south African ah, kuwa magac iyo maamus kuleh siyaasada dalkaas, waxa dilay dabley hubeysan. (sida laga soo xigtay university of cape town and Global initiative against transnational crimes). Badi madaxda la dilay waxa ay katirsanaayeen xisbiga ka arimiya south Africa ee ANC, waxa ugu weyn ee loobeegsadayna ay tahay musuqmaasuq iyo tira yar oo sheegay inuu musuqmaasuq jira sidaas awgeedna la dilay. Hadaba sababta ugu weyn ee ay isu dilaan siyaasiyiintan aya lagu ogaaday inay tahay kursi, dhaqaalo, shaqooyin iyo mashruucya la lunsada. Inta udhaxeysi 2011 ilaa 2017 waxa la dilay 90 siyaasi oo katirsan xisbiga ANC. Kadib markii si shirqool ah loo dilay siyaasi rug cadaa ah oo loo yaqaan Mr. Maraqa aya duqa magaalada dilka uu kadhacay sheegay in “ay fiicneed inan demoqaraadiyada qaadano, waayo waxan ogaanay cadawga dadka dila inay yihiin xukuumada. Magaalada pretoria ANC councilor ayaa ladilay ayada oo sadax caruurteeda ah gaariga kuwadata. Waxa la dilay kadib markii ay kudhawaaqday in baaritaan lagusameeyo waaxda guriyeenta ee dowlada (government housing). Waxa si shirqool ah oo siyaasadeysan loo beegsaday siyaasiyiin badan oo musuqmaasuq kulug lahaa iyo kuwa ka hadlay musuqmaasuq inuu jira ama baaritaan lasameeyo. Dad badan oo qabiir ku ah arimahan aya waxay sheegeen in siyaasiyiinta ay noqdeen sida maafiyada camal. Musuqmaasuqa dhacay waxa kamid ah dhismaha Memorial hall ka oo lasheegay in 2 million kubaxday dib udayactirka laakiin an wali waxba laga qaban. Madaxweynihii hore Jacob zuma oo asagana la ogaaday inuu si musuqmaasuq ah gurigiisa malaayiin dollar ku dayactiray. Xaqiiqdii musuqmaasuq ama corruption wadamada Africa oo dhan wuu kajiraa lakin waxa layaab leh siyaasiyeen sida mafiyada sisily iyo naples kajira udhaqma. Siyaasiyiin mafia ah (political mafia) oo is ugaarsanaya, si shirqool ah isu dilaya ayaga oo adeegsanaya dhalinyara hubeysan oo si xirfadeysan utoogta dadka aya waxay noqotay mid lala yaaba, Maadama amni xuma ay kajirta somalia qaasatan caasimada somaliya, hadana mar walba waxa ladilaa ama labeegsadaa siyaasiyiin kujira dowlada ama kuwa hore, ganacsata ama wax garad. Maadaama dil walba loosaariya Al-shabaab lagama yaaba inay jiraan gooxo kale oo oo siyaasiyiin mafia ah (political mafia) ama ganacsata mafia (business mafia) ah dilalka kadambeeyaan? Shabakadaha mafiyada ah waxay kajiraan meel walba oo dunida kutaal. Waxay yeelan karaan wajiya badan oo kala duwan. Qubara kaso shaqeeyay somalia aya ila wadaagay in somalia ay ka jiraan mafiya fara badan, kala duwan, wajiya badan leh. ilaa 100 koox oo maafiya ah inay kashaqeeyaan somalia Magacyadooda waxa kamid ah Al-shabaab, AF IYO UUR ISQILAAFSAN, QAWDA MAQASHII WAXNA HA UQADAN, iyo kuwo kale oo fara badan. . Siyaasiyiinta waxay unoolyihiin sida ayaga oo bari dhiman raba, boqolaal siyaasi aya ladilay 2009 – 2018. Kuwa harayna dhamaantood waa wada geeri suga yaal, waxay daganyihhin hotela aad loo waardiyeeya, ama gurya ciidama badan waardiyeeyaan, gaqaari xabada Karin. su’aasha ugu weyn aya ah ma ogyihiin waxa dila markii laga reebo mafiyada shabaab? Ilama ahan inay jiraan dad daraasaad madax banaan kusameeyay inay jiraan arimahan dilalka qorsheysan ee lala beegsada wax garadka, bulshada ama siyaasiyiinta. Haday jiraana, mayihiin daraasada kamadax banaan mafiyada? Hadaba siyaasiyiinta south Africa waxa ugu dambeentii la ogaaday baaritaana iyo daraaseen dheer kadib inay tahay sadax maado oo musuqmaasuq ah sida 1. Lacag 2. Awood (power) 3. Qandaraaska dowlada (government contracts). In lamusuqmaasuqa lacagta, shaqooyinka, awooda, qandaraasyada aya la ogaaday inay sababtay dhimasha badan. Markad aqrisid aqbaartaas aya waxa kusoo baxeysa in laga yaabo in loodila siyaasiyiinta, wax garadka, iyo ganacsatada somalia inay tahay wax laxirrira musuqmaasuq sida inlaga disha boosaska ama shaqada ay hayaan, qaarkood kala fikir duwnaasho ayada oo inta kale lacaga iyo siyaabo kale ay eersadaan. Markii ay jiraan mafia kala duwan qaarkood awood leeyihiin aad bay u adagtahay in laga adkaato. Dagaalkoodana wuxu qataa boqolaal sana in laga taqalusa. W/Q: Mahad hassan Mahadhassan045@gmail.com Xigasho: New York Times Share this post Link to post Share on other sites