Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir xaqiiqda ka sheegay duqeymaha Soomaaliya ee ka dhan ah Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ka dhacay duqeymo diyaaradeed oo qaarkood ay ku waxyeeloobeen dad shacab ah, waxaana si kulul uga hadlay Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Wasiir Aadan Aw Xirsi ayaa sheegay in duqeymaha laga fuliyo deegaanada Al-Shabaab ay dhiiri gelineyso in dad horleh ku biiraan Al-Shabaab, ayaga oo ka carreysan xasuuq loo geysanayo.

“Duqaymaha cirka ee aan loo meel-dayin wax weyn uma dhimaan argaggixisada, balse waxay kordhiyaan dadka ku biiraya Al Shabaab” ayuu yiri wasiir Aw Xirsi.

Waa wasiirkii ugu horeeyey ee ka tirsan Jubbaland oo si kulul uga hadla duqeymaha dadka rayidka ah khasaaraha ka soo gaaran ee ka dhaca deegaano ka tirsan Gobolada dowlad Goboleedka Jubbaland.

Kooxda Al-Shabaab ayaa horey marar badan usoo bandhigtay caddeymo muujinaya in duqeymaha la sheego in lagu dilay xubno ka tirsan kooxdaas, mararka qaar lagu xasuuqo dad shacab ah.

Waxaa ugu dambeysay duqeyn bishii tagtey ka dhacday magaalada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaasi oo gantaalo ay ku dhaceen isbital, laguna xasuuqay dad shacab ah, oo ay ku jiraan carruur iyo haween.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this