Sign in to follow this  
Deeq A.

Mukhtaar Roobow oo loo diiday doorashada Koonfur Galbeed, maxay tahay sababtu?

Recommended Posts

Deeq A.   
mukhtaar.png?resize=600%2C344&ssl=1Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur), Baydhabo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay tagitaankii Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur) ee magaaladda Baydhab iyo in uu ka qayb gali karo tartanka madaxtinimada Koofur Galbeed.

War-saxaafadeed goor-dhaweyd ay soo saartay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wasaaraddu iyadoo ka duulaysa xilka iyo waajibaadka dastuurka ku meel gaarka ah u igmaday gaar ahaan la-socodka xaaladaha amni ee wadanka iyo dabagalka heshiisyadii horey loola galay hay’adaha caalamka kuna salaysan iskaashiga iyo wadashaqaynta amniga guud ee dalka, deriska iyo caalamkaba, ay qaaday talaabooyin ay kamid yihiin heshiiskii ay la gashay bulshada caalamka ee lagu (hakiyey) xayiraadi saarnayd Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur), hase ahaatee ay shuruudo ku xirnaayeen in dhamaan laga wada qaado cunaqabatayntii saarnayd, sida, xayiraada dhaqdhaqaaqa, xayiraada Booliska caalamka iyo xayiraada dhinaca dhaqaalaha

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Amnigu iyadoo tixraacaysa heshiisyadii ay la gashay beesha caalamka ee la dagaalanka argagixisada, tix gelinaysana xuquuqda muwaadinku u leeyahay inuu xil isu soo taago ay cadaynayso in aanu Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur) buuxin, fulina shuruudihi lagaga qaadayey dhamaan cuna qabataynta, welina ay saaranyihiin cunaqabatayntii dowladaha caalamku saareen, taasina ay ka reebayso tartanka doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka koonfur Galbeed.

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn ku wargelisay Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed dhamaan asbaabaha ay sheegtay ee doorashada madaxtinimada maamulkaas loogu diiday Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur).

Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur) ayaa shalay gaaray maagalada Baydhabo, isagoo ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed oo dhacaysa 17-ka bisha soo socota ee November.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya

war-1.jpg?resize=690%2C1224&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Mukhtaar Roobow oo loo diiday doorashada Koonfur Galbeed, maxay tahay sababtu? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this