Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaad ka taqaan labada xafiis ee Shabaab u ururiya dhaqaalaha iyo magacyada ragga madaxda ka ah?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Onlien) – Kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya waxa ay leedahay laba waaxood oo dadka shacabka ah uga soo qaada canshuuraha, sida lagu sheegay daraasad cusub. Waax waxaa la yiraahdaa Zakawaat, midka kalena Waaxda Maaliyadda.

Waaxda Zakawaat waxa ay soo ururisaa waxyaabaha aan lacagta ahayn ee Shabaab ay dadka ka qaaddo, sida xoolaha iyo dalagyada beeraha kasoo go’a, halka Xafiiska Maaliyadda uu ururiyo lacagta canshuurta ah.

Qofkii ugu horreeyey ee madax ka noqda xafiiska Zakawaat waxa uu ahaa Sheekh Fu’aad, kaasi oo dhammaan waxyaabaha loo keeno siin jiray dadka saboolka ah, taasi oo ugu dambeyn uu xilkiisa ku waayey kadib sanad.

Al-Shabaab ayaa qabtay fikrad ka duwan midda Sheekh Fu’aad oo ah in dhammaan xoolaha iyo dalagyada beeraha la iib geeyo laguna maal-geliyo dagaalada kooxda, ayada oo dadka saboolka ah laga siinayo wax aan badneyn.

Xafiiska Zakawaat waxaa hadda maamula oo madax ka ah Sheekh Maxamed Mire, oo kasoo jeeda deegaanada Puntland.

Xafiiska Maaliyadda ee kooxda Al-Shabaab waxaa markii ugu horreysay la sameeyey sanaddii 2008 kadib markii kooxda ay qabsatay dekedda Baraawe. Waxaa madaxii ugu horreeyey ka noqday nin loo yaqiin Al-Maqdisi oo kasoo jeeday magaalada Boosaaso, kaasi oo iminka geeriyooday.

Al-Maqdisi ayaa waaxda maaliyadda ee Al-Shabaab kasoo qaaday mid isku dhex-yaacsan oo aan dhaqaale badan soo ururin, wuxuuna ka dhigay mid ka mid hay’adaha ugu dakhli soo xareynta badan ee ka jira Soomaaliya. Waxaa hadda waaxdan madax ka ah Xasan Afgooye.

Labada waaxood ayaa kooxda Al-Shabaab ka dhigay mid dhaqaale ahana isku filan, hase yeeshee waxaa lacag badan ay uga baxdaa saraakiil sare iyo dadka deegaanka ee sida hoose ugu shaqeeya, kuwaas oo jooga meel aysan kooxdan maamulin. Sidaas oo ay tahay Al-Shabaab marnaba kuma guuldarreysan inay mushaharkooda siiso dagalayahanadeeda iyo madaxdeeda.

La soco qeyb kale oo si faahfaahsan u sharxi doonta labadanb xafiis, dakhliga ay soo xareeyaan iyo sida ay qiimaha canshuuraha ugu gooyaan. Insha Allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this