Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Maanta la Kulmay Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Khayre_QM_Ergayga_Cusub-1.jpg?resize=871Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre, ayaa la kulmay maanta Ergayga Cusub ee Xog-hahaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabishan Arrimaha Soomaaliya, Nicholas Haysom oo shalay soo gaaray dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Khayre iyo Nicholas Haysom ayaa ka wada-hadlay wada-shaqaynta iyo dar-dar-gelinta Qorshayaasha Qaranka.

“Waxa aan ku faraxsanahay in maanta aan xafiiskayga kusoo dhaweeyo ergayga Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabishan Soomaaliya, Nicholas Haysom. Waxaan rajaynayaa inaan wadajir uga shaqayno qorshayaasha Qaran,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Somalia.

Sidoo kale, Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa Nicholas Haysom u soo magacaabay wakiilkiisa Soomaaliya, wuxuuna beddelay ergaygii hore, Michael Keating oo Dalka ka howl-galayay laga soo billaabo 2016-ka.

Ugu dambeyn, Ergayga cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa horyaalla hawlo badan oo ay ka mid yihiin; dhameynta muranka u dhexeeya madaxda maamul-goboleedyada dalka iyo kuwa dowladda dhexe o gaaray heer aad u xun.

Khayre_QM_Ergayga_Cusub-2.jpg?resize=871

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo Maanta la Kulmay Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this