Deeq A. Posted October 4, 2018 Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay diyaarado dagaal ay duqeymo culus ka geysteen degaano ka tirsan gobolkaasi. Duqeynta oo aad u xooganeyd ayaa waxa ay si gaara uga dhacday tuulooyinka Makka iyo Qansax-oomane oo hoostaga degaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo. Diyaaradaha duqeynta geystay ayaa dhawr jeer ku laalaabtay goobahaasi oo la sheegay inay fariisimo ku lahaayeen maleeshiyada Al-Shabaab. Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay duqeynta taa oo soo gala gaartay maleeshiyaad taabacsanaa Al-Shabaab iyo dad rayid ah. Warar madax-banaan ayaa sheegaya in duqeynta lagu dilay Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab iyo afar dagaalyahano oo isaga la soctay. Horjoogaha iyo maleeshiyada la sheegay in lagu dilay duqeynta ayaa kamid ahaa xagjiriinta sida aadka ah loo baadi-goobayay. Ma cadda ilaa hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqeyntan, balse waxaa socda baaritaan arrintan la xiriirta. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites