Sign in to follow this  
Deeq A.

Toogasho ka dhacday magaalada Addis Ababa ee caasimadda Ethiopia

Recommended Posts

Deeq A.   

Laba ka tirsan Booliiska dalka Ethiopia ayaa ku dhintay toogasho khamiista maanta ah ka dhacday magaalada Addis Ababa,sid ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga dalkaasi.

Taliyaha Booliiska Federaalka Ethiopia, Zeynu Jemal oo la hadlay warbaahinta dowladda ee Fana Broadcasting Corporation(FBC) ayaa sheegay in toogashada lagu dilay labada askari ay ka dhacday degmada Bole oo ku taalla bartamaha Addis Ababa.

Sidoo kale taliyuhu wuxuu sheegay in qofka toogashada geystay uu ahaa sarkaal ka tirsan Booliiska oo sarkhaansan,kadib markii uu khamri ka dhergay,waxaana uu intaasi raaciyay in sarkaalkaasna ciidamadu isla goobta ku dileen.

Ciidamada Booliiska Federaalka Ethiopia ayaa gebi ahaanba xidhay goobta falku ka dhacay,waxaana haatan socda baaritaano dheeri ah oo ku saabsan dhacdadaas,sida ay Booliisku sheegeen.

PUNTLAND POST

 

 

The post Toogasho ka dhacday magaalada Addis Ababa ee caasimadda Ethiopia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this