Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada Daacishta Somalia oo mar kale la shaaciyay & Koror ku imaaday Saldhigyadooda (Warbixin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warbixin kooban oo si wada jira ay usoo saaren machadka Hilaal Institute oo xarun ku leh Somalia iyo machadka nabadda ee Yurub ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Kooxda xagjirka ah ee Daacishta Somalia.

Warbixintan oo kooban ayaa waxaa lagu muujiyay cadadka Daacishta Somalia iyo weerarada khasaaraha nafeed geystay oo ay  ka geysteen Somalia.

Weerarada sida gaarka ah looga hadlay ayaa waxa ay ka kala dheceen deegaano hoostaga Puntland, Muqdisho iyo Gobolo kel.

Macadyadan oo si qoto dheer baaritaan ugu sameeyay dhaqdhaqaaqa iyo cadadka Daacishta Somalia ayaa waxa ay ku sheegtay in tirro ahaan ay dhanyihiin Daacishta 300 dagaalyahano oo ay ku jiraan danbiilayaal.

Warbixinada macadyada waxaa looga digay in Daacishta Somalia ee Saldhigyada ugu badan ku leh buuraha Galgala ay mustaqbalka dhaw halis ku yihiin Somalia.

Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay in Daacish aysan laheyn awood ciidan oo la yaqaano, islamarkaana laga cabsado, balse ay leedahay fursad ay ku balaaran karto.

Dhaqaale xoogan ayaa sidoo kale la sheegay inay kusoo xiro galiso dhalinyarada bilaa camalka ah, kuwaa oo si sahlan ugu gacangala Daacish.

Sidoo kale, fursadaha ay ku balaaran karto kooxda Daacish ayay hay’adaha warbixinta soo saaray waxa ay ku sheegeen inay ka faa’ideystaan burbur ku yimaada Al Shabaab.

Daacish oo geysata dhacdooyin aad u fool xun ayaa Puntland ka joogta dhul aad u yar, balse keliya hawlgaladooda aysan ku ekeyn goobaha ay joogan.

Guddoomiyaha machadka Hilaal Institute Xuseen Macalin Maxamuud oo la hadlaayay Idaacada VOA ayaa sheegay in Daacish ay ka halis badan tahay Al-Shabaab maadaama ay heysato dhaqaale xoogan.

Waxa uu intaa ku daray in Daacish ay Puntland ka joogan dhul aad u yar, balse keliya hawlgaladooda aysan ku ekeyn goobaha ay joogaan.

Si kastaba ha ahaatee, Daacish oo kusoo aaday xili dowlada Somalia ay Hub ka heshay dowladaha ay saaxiibada la tahay ayaa ka hor istaagtay in Daacish ay Saldhigyo ka hirgaliso Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this