Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso xildhibaan Cabdi Shire oo weerar culus ku qaaday xukuumada Kheyre

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyay in ay ku fashilantay in ay  u gurmado dad Shacab ah oo dhawaan ku dhawaaqay in ay dagaal la gali doonaan dagaalyahanada Al-Shabaab.

Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa weerar ku qaaday xukuumadda Kheyre, isaga oo sheegay in xukuumadda Xasan Cali Kheyre aysan u gurman Koox Macawisley ah oo dhawaan dagaal ka dhan ah Shabaab kaga dhawaaqay Shabeellaha Dhexe.

Waxaa sheegay in dadkaasi la rabay in lagu taageero hub iyo dhaqaalle si ay u xoojiyaan dagaalka Al-Shabaab.

Xildhibaanka ayaa sheegay in uu tacsi u diraayo Hoggaamiyihii Kooxda Macawisleyda oo ku dhintay dagaal maalmo ka hor ka dhacay Shabeellaha Dhexe ka dib markii Shabaab ay weerar kusoo qaadeen.

Dhanka kale  Xildhibaan Cabduqaadir Carabow oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa si kulul waxa uu uga hadlay dagaal saacadihii la soo dhaafay Al-Shabaab iyo Shacab is aruursady ku dhex maray deegaano ka tirsan Sh/Dhexe.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dadkaasi ay sababta ku kaliftay inay dagaalmaan ay tahay kadib markii,Xoolahooda la dhacay,guryahooda la gubay,isla markaana dhibaatooyin kale loo geystay.

Shacabka is aruursaday oo la Magac baxay Macawuusley ayaa waxa uu sheegay ay yihiin Jabhadda dib u xureynta Gobolka Shabeelaha dhexe,hayeeshee ay yihiin kuwo aan loo aas aasin dano gaar ah oo Siyaasadeed.

Xukuumadda Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay siiso taageero ciidan,maadaama ay dagaal xooggan kula jiraan Al-Shabaab.

Dadkaan Shacabka ah ee la magac baxay Macaawusley ayaa Maalin ka hor waxa ay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe,sida Masaajid Cali Gaduud ay kula dagaalameen Al-Shabaab,iyada oo dagaalkaas uu ku dintay hoggaamiyahoodii oo lagu Magacaabi jiray Hibaad Cali Dasar.

Isniintii ayaa halgamaa Hibaad Cali Dasar oo muddo dagaal xooggan kula jiray argagixisada Soomaaliya ee Al-Shabaab, si uu dhibkooda uga dul-qaado dadkiisa iyo deegaankiisa waxa uu ku geeriyooday Tuulada Xagareey, oo u dhaw Guulane, islamarkaana hoos tagta degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Hibaad Cali Dasar oo hogaaminayey Jabhadda dib u xoreynta Shabeellaha Dhexe iyo haglamaa kale oo lagu magacaabo Nuur Cali Jumbur ayaa ku geeriyooday dagaal ay shalay ku qaadeen Shabaabka, oo ay kaga dileen 18 maleeshiyo. 
Hoos ka dhageyso Cabdi Shire
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this