Deeq A. Posted October 3, 2018 Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxmed Cali Gaas ayaa maanta safar ugu dhoofay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Madaxweyne Gaas oo intii uusan dhoofin ka hor, hadal kooban garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe ku siiyay warbaahinta ayaa sheegay in safarkiisa Nairobi oo qaadan doona afar beri uu la kulmi doono qeybaha kala duwan ee beesha caalamka, safaarado iyo ururo caalami ah. Sida ay xog ku heshay PUNTLAND POST Madaxweyne Gaas ayaa Nairobi kula kulmi doona xubno ka tirsan beesha caalamka, iyagoo ka wada hadli doona Mashruucii fashilmay ee dhismaha wadada isku xirta Garowe iyo Galkacayo, oo ay maal galinaysay Midowga Yurub. Dhawaan ayay ahayd markii dowladda Jarmalka ay shaacisay in ay joojisay maal-gelinta mashruucii dayac-tirka wadada u dhexaysa Garowe iyo Gaalkacyo, kadib markii ay sheegtay in xisaab-celin ka waday hay’addii Puntland u qaabilsanayd fulinta iyo hir-gelinta mashruuca ee PHA. Sidoo kale xogta ayaa sheegaysa in Madaxweyne Gaas Nairobi kula kulmi doono madax ka tirsan Bangiga adduunka (World Bank) iyagoo kala hadli doona arrimo la xiriira mashaariic ay ka wadeen Puntland. Madaxweyne Gaas ayaa sidaan oo kale horraantii bishii April ee sanadkan safar aan la shaacin ku aaday Nairobi, isagoo kulamo la qaaday xubno ka tirsan beesha caalamka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas oo safar ku aaday Nairobi appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites