Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka Oo Ka Qeyb-galaya Kulanka Golaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maanta kulanka golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ka qeyb galaya guddoomiyaha KMG ah ee xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka Xasan Sheekh Maxamud.

Mudane Xasan Sheekh Maxamud waa madaxweynihii 8-aad ee Soomaaliya, sidoo kale waxaa horay loogu dhaariyey xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, inta noloshiisa ka dhimman.

Berri oo khamiis ah ayaa lagu wadaa in Muqdisho ka dhacdo xaflad weyn, oo lagu daah-furayo xisbiga “Midowga Nabadda iyo Horumarka”, oo ah xisbi ay ka tirsan yihiin inta badan xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah.

Wixii ku soo kordha, Kala soco Goobjoog News

xan-1.jpg xan2.jpg

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this