Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS oo ku dhawaaqday talaabada kaga aadan dagaalka ay Shacabka kula jiraan Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Taliyaha CXD Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka u dhaxeeya dadka Shacabka iyo Al-Shabaab ee maalmahaan ka socday deegaano ka tirsan Sh/Dhexe.

Indha-qarshe, ayaa sheegay inay la socdaan dagaalka iyo khasaaraha ka dhasha waxa uuna tilmaamay inay qaadayan talaabo lagu taageerayo shacabka dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Waxa uu Indha-qarshe sheegay in Taliska CXD uu qabo dareen ku aadan colaada shacabkaasi kala dhexeysa Al-Shabaab waxa uuna ku dhawaaqay inay garab siinayaan dadka Sh/Dhexe.

Indha-qarshe, waxa uu sheegay in DFS ay ka faa’iideysaneyso kacdoonka Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay diyaar u yihiin inay ku gacan siiyaan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Indha-qarshe, waxa uu sheegay in dhankooda ay ka go’an tahay in sanadkaan iyo kan soo socda gudihiisa ay Al-Shabaab ka saaraan guud ahaan dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale General Indha Qarshe ayaa wuxuu ka hadlay hawlgalada ka soconaya qeybo ka mid ah bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, kaasi oo qorshihiisa uu yahay sidii la isugu furi lahaa wadooyinka ay xireen ururka Al Shabaab.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this