Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaano ka tirsan Somaliland oo Farmaajo u hanjabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye(Nac-nac) oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland iyo xildhibaan Cadiraxmaan Cismaan Jaamac(Shaadh) oo kamid ah golaha guurtida maamulkaas,ayaa si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeeray ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya,Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar),kaasoo ahaa in madaxweyne farmaajo diyaar u yahay in uu booqdo Hargeysa,haddii Somaliland ogolaato.

Labada xildhibaan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa si wadajir ah u sheegay in ra’iisal wasaare  ku xigeenka Soomaaliya uu yahay nin reer Somaliland ah oo u shaqa-tegay magaalada Muqdisho,islamarkaana uusan hadalkiisu wax dhib ah ku hayn Somaliland,balse marnaba aan la aqbali Karin in Farmaajo Hargeysa yimaado isagoo xil iyo mas’uuliyad u haya Soomaaliya.

Xildhibaannadu waxay intaas raaciyeen in wadada keliyah ee madaxweyne farmaajo  ku tegi karo Somaliland,isagoo xilka haya ay tahay,in uu marka hore u aqoonsado dal ka madax-bannaan Soomaaliya oo deris la’ah,haddii kalese ay tallaabo sharci ah ka qaadayaan,sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale xildhinaabbadu waxay sheegeen in ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya ee ay hadalkiisa ka jawaabayeen,haddii uu isagu shakhsi ahaan  Somaliland ku laabanayo cafis loo fidin doono,balse marka hore ay waajib ku tahay in uu ka tego mas’uuliyadda uu Soomaaliya ka hayo.

PUNTLAND POST

The post Xildhibaano ka tirsan Somaliland oo Farmaajo u hanjabay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this