Sign in to follow this  
Deeq A.

3 arrin oo sabab u ah inaan laga adkaan Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa dhawr jeer Al-Shabaab kala wareegay deegaano badan waxaana dhacdo kadib inay mar kale Al-Shabaab kusoo laabtaan halkii laga saaray taasoo caqabad ku noqotay inay Dowladda Soomaaliya

Dhawaan ayey aheyd markii Ururka Al-Shabaab ay la wareegeyn Tuulooyin hoos tago Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Deegaanada ay Al-Shabaab la wareegeyn kadibna ay isaga baxeyn ayaa waxaa kamid ahaa Yaaqle, Dhagaxow,Kooreebe iyo tuulooyin kale,halkaasi oo ay Ciidamada dowlada Soomaaliya ay ku lahaayeen saldhigyo.

Haddaba Su,aasha is waydiinta mudan ayaa ah waa maxay Sababta ay Dowladda Soomaaliya ugu guuleysan la’dahay dagaalada Al-Shabaab.

Janaraal Maxamed Ibraahim Guubir oo horay uga tirsanaa ciidamada Soomaaliya ayaa Idaacadda BBC qeybteeda Afka Soomaaliga u sheegay inay arrintaas sabab u tahay seddex arrin oo waaweyn oo haddii aan la xalin aan guul laga gaari doonin dagaalada AL-Shabaab.

1) Maamul Goboleedyada

Janaraal Maxamed Ibraahim Guubir ayaa Maamul Goboleedyada ku eedeeyey inay yihiin sababta ugu weyn ee looga adkaan waayey Ururka Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay inaysan dowladda kala shaqeyn sidii dagaal loogu qaadi lahaa Al-Shabaab isla markaasna maamul loogu sameyn lahaa deegaanada la qabsado.

Maamul Goboleedyada ayaa ku sheegay inay yihiin kuwa mar walba cuuryaamiyo Shaqada Dowladda iyo dagaalada ka dhanka ah AL-Shabaab.

2) Awoodda Hubka

Generaalka ayaa qodobka labaad ku sheegay inuu yahay inaysan Dowladda heysan hub ka culus midka ay Al-Shabaab heysato taasna ay keentay inaan la kala adkaan, wuxuuna yiri  “labo qolo oo hub isku nooc ah heysata ma kala adkaan karaan, sidaas awgeed waa in dowladda laga qaado xayiraadda dhinaca hubka” .

Wuxuu Qaramada Midoobay ku eedeeyey inaysan diyaar u aheyn awood siinta Dowladda Dhexe oo u baahan inay hesho hub ka weyn kana awood badan kuwa ay Al-Shabaab ku dagaalamaan.

3) AMISOM

Janaraal Maxamed Ibraahim Guubir ayaa Ciidamada AMISOM ku eedeeyey inaysan daacad ka aheyn helidda Ciidamo Soomaaliyeed oo awood leh .

Wuxuu sheegay inay AMISOM dowladda ka ilaaleyso inay hesho isku filnaansho dhanka Maamulka iyo Ciidanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this