Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Converted to Islam

Recommended Posts

u_2d_2007-9-18-4-58-24f_untitled.JPG

 

hadhwanaag 2007-09-18 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Zheng Feng Chi oo hadda loo bixiyay Maxamed,waa nin Telecommunication Engineer ah, da’diisuna tahay 28 jir,waxaanu dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Chine

.

Wariye Mustafe Adam oo ka mid ah shaqaalaha Shirkadda Telesom ayaa waraystay Mr.Maxamed waxaanu waydiiyay waxyaabaha ku kalifay inuu muslimo.

Isaga oo su’aasha ka jawaabayana ayaa waxa uu yidhi“Intii aan dalka [somaliland] joogay waxa aan u fiirfiirsanayay dhaqankooda iyo waxay aaminsan yihiin,waxa aanan ogaaday in dadka Islaamka ahi ay dhammaantood yihiin dad siman,waa dad is-ixtiraama,waa dad is jecel,waa dad aad moodoo dhammaantood walaalo,waa dad Aaminsan Allah kaligii, Ilaahayna (SWC) wuu simay oo dadka muu kala saraysiin,waa dad kooga jilicsan ee aan waxba haysan caawiya,waa dad markay tukanayaan maskaxdooda mashquulka ka saara Ilaahayna kaligii caabuda.”

 

Isaga oo hadalkii sii watana waxa uu yidhi; “Waxyaabaha iga yaabiyay ee musliminaday ka qayb-qaatay waxa ka mid ah Dadka muslimiinta ah dhammaantood waa dad dhanka wanaagsan wax ka eega,oo aan ka warwarin waxa soo socda iyo wixii dhaafay oo Ilaahay uun tallo saarta.”

 

“Wixii ka dambeeyay markii aan soo galay diinta Islaamka ee aan soomay la ina geeyay Masaajidka,waxa maskaxaydii ka baxay dhammaan wixii warwar ahaa,waxa aanan dareemay farxad badan,waxa kale oo Dadka Muslimiinta ah ee ku dhaqan Somaliland gaar ahaan shaqaalaha Shirkadda Telesom kala kulmay soo dhawayn aad iyo aad u heersaraysa.” Ayuu yidhi Maxamed mar uu jawaabayay su’aal ahayd waxa uu kala kulmay Diinta Islaamka.

 

“Diintii aan Aaminsanaa waxay ahayd BODISEM,asxaabtayda iyo qaraabadaydu waxa ay aamisan yihiin Bodisem,Sidaas daraadeed,marka aan noqdo waxa aan asxaabtayda iyo qaraabadayda u bandhigi doonaa Diinta Islaamka,haddii ay I diidaan oo cadaadis igaga yimaado waxa raadsan doonaa muslimiinta Chinese-ka ah ee kale, si aan u barto dhiinta Islaamka iyo Qur’aanka Kariim ah.” ayuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisii.

 

Dhinaca kale, Maamulka iyo Shaqaalaha Shirkadda Telesom gaar ahaan Waaxda Engineering-ka oo uu ka mid yahay C/Xakiim Aadam Cumar oo si weyn ugu soo dhaweeyay Maxamed Diinta Islaamaka,ayaa aad u soo dhaweeyay arrintan,waxa aanay Afur kaga qayb-galay Masaajidka Cali Mataan, halkaas oo uu kula kulmay Imaamka Masaajidka Sh. Maxamed Aadam.

 

Zheng Feng Chi oo ka mid ah Shaqaalaha Chinese-ka ee ka hawl-gala shirkadda Telesom ayaa dhawaan Islaamay.

 

Hadhwanaagnews.com/Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this