Sign in to follow this  
Deeq A.

Halgamaa HIBAAD CALI DASAR oo geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadale (Caasimada Online) –Halgamaa Hibaad Cali Dasar oo muddo dagaal xooggan kula jiray argagixisada Soomaaliya ee Al-Shabaab, si uu dhibkooda uga dul-qaado dadkiisa iyo deegaankiisa ayaa shalay ku geeriyooday Tuulada Xagareey, oo u dhaw Guulane, islamarkaana hoos tagta degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

 
Hibaad Cali Dasar oo hogaaminayey Jabhadda dib u xoreynta Shabeellaha Dhexe iyo haglamaa kale oo lagu magacaabo Nuur Cali Jumbur ayaa ku geeriyooday dagaal ay shalay ku qaadeen Shabaabka, oo ay kaga dileen 18 maleeshiyo. Geeridooda ayaa waxaa ka tacsiyeeyey Midowga Walaalaha Mudulood.

Warbixin ku saabsan halgankii Hibaad Cali Dasar

Halgamaa waxaa loogu yeedhaa qofka naftiisa iyo hantidiisa u hura arrin dadku ku dhici waayeen oo dib uga joogsadeen.

Halgamaa Hibaad Cali Dasar Eebbe haw naxariisti wuxuu ahaa ninkii abaabuley dagaalka looga soo horjeedo kooxda horrarka ah ee Al-Shabaab ee Shabeellada dhexe.

Nin isagoo cararaya dhintey ama mid dalka ka dhoofay isagoo xabsi iyo xadhig ka baqaya ama in la dilo ayaa dadka qaarkood ugu yeedhaan geesi halgamaa ah.

Halgamaagu waa kan u dhinta ujeedka iyo hadafkiisa waa midka u god gala halka yoolkiisu yahay waa midka ka gilgisha heeryada saaran kana doorbida dhimashada waa halkuu ka lahaa Abwaan Salaan Carabeey.

Haddaad dhimato geeridu marbay,Nolosha dhaantaaye
Dhaqashiyo mar bay kaa yihiin, Dhereggu xaaraane
Dhedigaansho waa ceeb inaad, Dhamagsataa meele
Dhadhan malaha aadmigu wuxu, Kugu dhalliilaaye
Nin dhirbaaxo quudheed dugsaday,Dhaqayadeed maaly’e
Dhashaaday sugtaa xaajadaad, Dhawrataa abid.

Dagaal ay ku dhiiran waayeen dowlad iyo dadweyne ayuu ku dhiiraday, welina halgankii ma dhammaan, waana mid lagu xusi doono laguna xasuusan doono.

Dagaalka guushiisu maaha inaad noolaato keliya ee waa in aad gaadho halgankaaga miro dhalkiisa, bulshada deegaanka iyo dhammaan dadka halganka qaybta ka ahaa waxaan leeyahay guushu waa inaan ka adkaano kana tirtirno deegaankeena Alshabaab, geerida hoggaamiye Hibaad waa iney na sii dhiirigelisa.

Eebbe haw naxariisto dhammaanteena samir iyo iimaan haynaga siiyo, waa Halgamaa ku dhex nool laabteena iyo maankeena.

W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this