Deeq A. Posted October 2, 2018 Wasaaradda maaliyadda dowladda Puntland ayaa talaadada maanta ah shaacisay in canshuur lagu soo rogay warqadda dalaaq-muujinta ee caddeyn ahaanta loo raaciyo furniinka. Wasaaradda ayaa lacag dhan $20 Dollar oo canshuur ah ku waajibisay nin kasta xaaskiisa fura ee soo raaciya warqadda dalaaq-muujinta ah,inkastoo aan qoraalka lagu xusin halka lacagtaasi lagu shubayo. Go’aanka wasaaradda Maaliyadda ayaa ku soo beegmay,xilli haatan shaqo la’aanta baahsan iyo sixir bararka nolosha saameeyay ee degaannada Puntland ka jira uu siyaadiyay,burburka qoyska iyo furniinka deg deg ah. Sidoo kale shaqaalaha dowladda oo aan mudda dheer mushahar iyo xuquuq helin, ayaa la sheegayaa in ay u badan yihiin qoysaska burburay ee furniinkoodu tiro beelay,maadaama wasaaradda maaliyaddu ku fashilantay bixinta xuquuqda shaqaalahaasi. Dhinaca kale dadka qaar ayaa wasaaradda ku eedaynaya ”in ay macaash ka dhex raadinayso burburka qoysaska” ee awalba ka dhashay mushahar la’aanta iyo sicir bararka sabab’saday nidaam-xumida waasaradda Maaliyadda. PUNTLAND POST The post Puntland oo furniinka canshuur ku soo rogtay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites