Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Madax goboleedyada iyo mucaaradka oo dhisaya isbaheysi ka dhan ah DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliya iyo xisbiyada mucaaradka ah ee ku kacsan dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay ku dhawaaqaan isbaheysi awood badan oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online.

Ilo-wareedyo ku dhow qaar ka mid ah madaxda maamullada ayaa Caasimada Online u sheegay in dhammaan hogaamiyayaasha xisbiyada mucaaradka ah ee fahdigeedu yahay magaalada Muqdisho lagu casuumay shirka madax goboleedyada ee 10-ka bishan October ka dhacaya magaalada Garoowe.

Shirkaas ayaa laga filayaa qodobo kale oo ka dhan ah dowladda, ayna ugu weynaan doonta dhismaha isbaheysigan cusub.

Waa markii ugu horreysay ee mucaaradka ay ka qeyb-galaan shir goboleedyada, waxaana xogta aan helnay ay sheegeysaa in isbaheysiga la dhisayo la filayo inuu qaado tallaabooyin culus oo ka dhan ah dowladda, lagana yaabo inay ku jiraan mooshinno ka dhan ah ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha.

Ilo-wareedyo ku dhow xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inay isaga kalsoon yihiin mooshin kasta oo ay gadaal ka riixayaan mucaaradka iyo madax goboleedyada, hase yeeshee isbaheyisga noocan ah ayaa dhaawac culus gaarsiin kara muuqaalka beesha caalamka ay ka haysato dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu warramay inay isha ku hayso dadaallada ka dhanka ah ee socda, hase yeeshee ma muuqato tallaabo ay qaadi karta illaa hadda, waxaana jira dadaallo weli miro-dhali la’ oo ay ku kala furfureyso golaha iskaashiga maamul goboleedyada, ayada oo illaa hadda ku guuleysatay kaliya inay kasoo goyso madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this