Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo weerar 9 Al-Shabaab ah lagu dilay ka fuliyey duleedka Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa shaaciyey in duqeyn dhinaca Cirka ah oo lagu qaaday koox ka tirsan Alshabaab duleedka magaalada Kismaayo lagu dilay 9 ka mida maleeshiyada Alshabaab.

War kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta oo ka dhacday shalay meel Kismaayo u jirta 40 Km, ay qiimeynayaan 9 ka mida kooxda Alsahbaab oo lagu dilay duqeynta, iyadoo cid rayid ah aanay wax ku noqon.

War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in 1-dii bishan October oo shalay ku beegneyd Ciidamada Mareykanka ay qaadeen weerar cirka ah, kaddib markii Al-Shabaab weerareen Ciidamo ka tirsan dowladda.

AFRICOM ayaa xaqiijiyay in howlgalkan ay ka gacan siiyeen ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, islamarkaana aysan jirin wax khasaaro ah oo shacabka degaanka kasoo gaarey.

“Mareykanka waa uu sii wadi doonaa weerarada noocan ah ee looga hortagayo khatarta ku wajahan danahiisa Soomaaliya iyo muwaadiniintiisa, islamarkaana lagu wiiqayo awoodda kooxaha argagaxisada,” ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM.

Tan iyo sanadkii tagey, labo Askari oo Mareykanka ay ayaa lagu kala dilay gobolllada Shabeellaah Hoose iyo Jubbada Hoose, kadib markii ay ku weerareen xoogaga Al Shabaab.

Mareykanka ayaa ka jooga Soomaaliya ku dhawaad Kun Askari oo ka caawiya ciidamada dowladda iyo AMISOM dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, oo ku xoog badan degaano badan oo Koonfurta ku yaalla.

Al-Shabaab ayaa ka gaabsada inta badan duqeymaha Mareykanka geysto Koofurta Soomaaliya oo labadii sano ee u dambeeyay ay sii kordhayeen.

air-strike.png

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this