Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad Ka Jirta Deegaanka Aadan Yabaal, Sh/dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka maanta oo Talaado ah ka imaanaya deegaanka Aadan Yabaal ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa Al-shabaab iyo sidoo kale dad iskood isku abaabulay oo ah dadka deegaanka.

Xiisaddan maanta lasoo sheegayo ayaa daba socoto dagaal xooggan oo shalay ka dhacay deeganno ku dhow Aadan Yabaal.

Dagaalladii shalay dhacay waxaa lagu soo waramayaa iney ku dhinteen 6 qof, iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay.

Al-shabaab ayaa la sheegay iney doonayaan iney qabsadaan deegaannadii shalay lagu dagaallamay iyo sidoo kale Aadan Yabaal, iyadoo dadka deegaankana ay difaac xirteen.

Gobolka Shabellaha Dhexe waxaa muddooyinkaanba ka jiray shacab is abaabulay islamarkaana doonaya iney la dagaallamaan Al-shabaab.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this