Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxay Xamar ka qabtaan ciidankii maanta la qarxiyey ee Talyaaniga?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qarax ismiidaamin ah ayaa maanta duhurkii lagu weeraray Kolonyo Ciidamo Talyaani la socdeen oo marayay agagaarka Wasaaradda Gaashaandhigga ee degmada Dayniile.

Kolonyada qafilan ee Ciidamada Talyaaniga ayaa ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo mid ka mid ah kolonyada lagu dhiftay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Lama oga illaa iyo hada waxa gaaray Ciidanka Talyaaniga, waxaa la arkayay burbur soo gaaray kolonyada Ciidamada oo qeybo ka mid ah haraadigooda uu dhulka yaalay.

Sidoo kale waxaa la soo sheegayaa inuu jiro khasaaro gaaray dad shacab ah oo wadada marayay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka ismiidaaminta, iyadoo tilmaamtay inay beegsadeen Ciidamo Midowga Yurub ah.

Haddaba waxaa is waydiin mudan maxay yihiin ciidamadaan?

Ciidamadaan Talyaaniga ee la beegsaday ayaa inta badan isticmaalo waddooyinka Muqdisho waxaana lagu yaqaanaa inay Anteenada Mobile-ada ka tagto dadka ku sugan halka ay marayaan waxaana gawaarida ku xiran calanka Talyaaniga.

Ciidamada Talyaaniga ayaa hoggaaminaya howlgalka Midowga Yurub ee Ciidamada Soomaaliya, waxaana ay saldhig ku leeyihiin Xarunta Xalane.

Ciidamadaan ayaa dalka Soomaaliya u joogo sida ay Midowga Yurub sheegtay inay tababar siiyaan Ciidamada Dowladda iyo Saraakiisha.

Ciidamadaan ayaa inta badan marka ay waddooyinka Muqdisho marayaan waxay ku socdaan gawaaridaan Qulufan oo gaarayo ilaa Afar Xabo, balse maalmihii dambe waxaa ilaalo kore ka hayey ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda oo iyagana wato gawaari qufulan iyo kuwa loo yaqaan Cabdi Bile.

Ciidamada Talyaaniga ee Muqdisho ku sugan ayaa qiyaastooda lagu sheegaa illaa 220 oo isugu jiro ciidamo, Saraakiil iyo Macalimiin.

1-1.jpg???????????????????????????????????? DSC_1214.jpg???????????????????????????????????? DSC_1230.jpg???????????????????????????????????? DSC_1234.jpg???????????????????????????????????? DSC_1249.jpg???????????????????????????????????? DSC_1263.jpg???????????????????????????????????? DSC_1286.jpg????????????????????????????????????

Italia.jpg images.jpg 201535635611359162955010DSC07921.jpg talyaano88.png talyaani66.png talyaani555.png talyaani44.png talyaabni3.png talyaani2.png talyaaniga.png waf6.jpg

IMG_20160827_085346_1.jpgExif_JPEG_420

ciidamo.png cidamo.png ku-wkale.png

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this