Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Markab dhuxul sharci-darro ah ka qaaday Somalia oo ku xirtay Ciraq iyo DF aad u carreysan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cusmaan Abuukar Baalle ayaa sheegay in markab dhuxul sharci-darro ah kasoo qaaday Soomaaliya uu ka degay dekedda Umu Qasr ee ku taalla dalka Ciraaq.

Safirika ayaa sheegay in dhuxusha saaran markabkan ay gaareyso laba boqol oo kun oo jawaan, wuxuuna intaas ku daray in Soomaaliya ay aad uga xun tahay xagudubkaasi lagu sameeyey.

Safiirka ayaa sheegay inay arrintan ku war-geliyeen dowladda dalka Ciraq iyo hay’adaha qaabilsan ee dusha kala socda xayiraadda saaran Soomaaliya ee mamnuuceysa in dalka laga dhoofiyo dhuxul.

Abuukar Baalle ayaa sheegay in dowladda ay ogtahay halka dhuxushaas laga qaaday, balse ay wadaan baaritaan rasmi ah, oo ay ku shaacin doonaan. Si kastaba xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dhuxushaas laga qaaday dekadda Kismaayo.

Xiriir aan la sameynay maamulka Jubbaland waa ay diideen inay ka hadlaan arrintan, waxayna sheegeen inaysan maqal wax eedeyn ah oo dowladda ay u jeedisay Jubbaland.

Maamulka Jubaland ayaa horey loogu eedeeyey inay dhuxul dhoofiyaan dekedda Kismaayo, ayna xiriir hoose la leeyihiin kooxda Al-Shabaab oo dhuxushan ka sameysa geedaha laga jaro gobollada Jubbooyinka.

Abuukar Baalle ayaa wareysi arrintan ku saabsan siiyey idaacadda VOA.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/f7877b6a-3571-41aa-a6c6-255f1fc619c2_48k.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this