Sign in to follow this  
Deeq A.

XAAF oo dab ku sii shiday khilaafka Galmudug kadib tallaabo uu qaaday maanta

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dab kusii shiday Khilaafka ka taagan Maamulka Galmudug oo u kala jabay laba qeybood oo kala ah Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Madaxeynaha Galmudug Xaaf ayaa xil ka qaadis ku sameeyey Gudoomiyihii Degmada Cadaado iyo ku-xigeenkiisi kuwaas oo lagu tirinayey inay la safan yihiin Garabka Madaxweyne ku xigeenka Carabey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Casir.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle xaaf ayaa xilkii looga qaaday Gudoomiyihii Degmada Cadaado iyo ku-xigeenkiisi waxa uuna magacaabay Gudoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeen cusub.

Xaaladda Galmudug ayaa u muuqato inay kusii socoto Fowdo waxaana suurtagal ah in Maamulkaas uu burburo haddii aan laga soo gaarin oo aan xal loo helin khilaafkaan mudada badan soo socday.

Madaxweyne Xaaf ayaa saldhig ka dhigtay Caasimadda Rasmiga ah ee Maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb halkaas oo ay ku xooggan yihiin Ururka Ahlu Sunna oo dagaal dheer deegaanadaas kula galay Al-Shabaab.

Halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxday Xaaf:

42851590_576502289432520_694008583510242

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this