Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Qalbidhagax oo dhex dhexaadinaya ISIS, Al-Shabaab iyo Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimadda Online) – Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Xubnaha Sar sare ee Ururka ONLF oo ku sugan Magaalada Boosaaso ayaa waxa uu hadlay dagaalka u dhexeeya Mamulka Puntland iyo dagaalamayaash Al-shabaab ee ku sugan qeyb kamid deegaanka Maamulkaas.

Waxaa uu sheegay Qalbi Dhagax in uu diyaar u yahay xalinta dagaalka u dhexeeya Mamulka Puntland iyo Al-shabaab,isla markaana uu carabaabay in uu isku keeni doono labada dhinac.

Sidoo kale Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax  ayaa sheegay in uu tagi doono goobaha Al-shabaab ku sugan yihiin si uu wada hadal ula soo sameeyo,uuna diyaar u yahay waxkasto oo lagu xalin karo dagaalkaas.

Wuxuu xusay Qalbi Dhagax in muddo dheer uu kusoo guda jiray halgan xornimo doonka ah isla markaasna ay muhiim tahay in siyaasiyiinta, madaxda maamuladda, culimada Soomaaliyeed iyo waxgaradkuba ay ka shaqeeyaan in xal waara laga gaaro colaadaha u dhaxeeyey umadda Soomaaliyeed.

“Deegaankan aan joogno waxaa la sheegaa inay dagaal kula jiraan dowladda Puntland ururo sida Daacish iyo Shabaab, ee runtii waxaan jeclaan lahayn yacni illaahay markuu dadka sameeyey khilaaf markuu yimaado illaahay kitaabkiisa in loo noqdo ayaa illaahay ugu tala galay ee in lays dilo looguma tala galin yacni iyaga [Daacish iyo Shabaab] laftigooda aniga waxaan diyaar u ahay inaan qayb ka noqdo haday ogol yihiin iyaga iyo maamullada colaadda kala dhaxeysa inaan isu keeno” ayuu yiri Qalbi Dhagax.

“Waxaan rabnaa culimadda, siyaasiyiinta, maamulka iyo waxgaradka umadda Soomaaliyeed in ay iyaguna xalka noocan oo kale ah raadiyaan xabad kuma kala rayn karno, anagaa xabad waligayo soo wadnay xabad laguma kala rayn karno” Sidaasi waxaa yiri Qalbi Dhagax.

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Xubnaha Sar sare ee Ururka ONLF ayaa tilmaamay in uu weligiis soo dagaalami jiray,uuna horey ula soo dagaalamay Cadow Soomaaliyeed.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Qalbi Dhagax

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/Cod-Qalbi-dhagax-.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this