Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog cusub oo laga helayo khasaaraha qaraxa ciidanka Talyaaniga ee MUQDISHO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax lagu weeraray maanta kolonyo ciidamo Talyaani ah oo marayay agagaarka xarunta wasaaradda gaashaandhigg ee magaalada Muudisho.

Labo qof oo shacab ah ayaa ku geeriyootey Afar Kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray qaraxan oo ka dhacay nawaaxiga aargada degmada Dayniile ee Muqdisho.

Cabdulqaadir Cabdullaahi oo ka mid ah darawallada gaadiidka gurmadka ee Amin Ambulance ayaa u sheegay in dadka dhaawaca soo gaaray uu ku jiro canug yar iyo sidoo kale haweeney.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegayaan in marka uu qaraxa dhacay gaadiidka qufulan ay wataan ciidmada Talyaaniga ee qaraxa lala beegsaday ay rasaas fureen, islamarkaana khasaaro nafeed uu jiro.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa mid loo adeegsaday gaari NOHA ah oo waxyaabah qarxa laga soo buuxiyey, laguna weeraray gawaarida Ciidamada Talyaaniga ay la socdeen kuwaas oo Ciidamada dowladda ka caawiya dhinaca tababarada. Qof naftii hore ah ayaa la sheegay inuu waday baabuurka, kuna dhuftay ciidamada.

Waxaa jira burbur soo gaaray guryo ay deganaayeen dad shacab ah oo halkaasi ka dhowaa iyo sidoo kale xarumo ganacsi.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya inuu bas beelay mid kamid ah gawaaridii ay wateyn ciidamada Talyaaniga oo halkaas marayey, iyadoo ay la socdeyn kuwa Soomaalia ah.

Ciidamadaan Talyaaniga ee la beegsaday ayaa inta badan isticmaalo waddooyinka Muqdisho waxaana lagu yaqaanaa inay Anteenada Mobile-ada ka tagto dadka ku sugan halka ay marayaan waxaana gawaarida ku xiran calanka Talyaaniga.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga Cabdulqaadir Cabdullaahi

1.jpg 2.jpg 3.jpg 6.jpg 7.jpg 9.jpg 42833649_1868894916512656_77373317864384 42870029_10215153278557660_1136591755479

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this