Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabeel: Aniga iyo Muuse waxan isku-haynna Diinta islaamka

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha golaha dhexe xisbiga Kulmiye ee Somaliland,Jaamac Ismaaciil Cige(Shabeel) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa gebi ahaanba qaaddacay,xil ka qaadis ay shalay ku sameeyeen xubno ka tirsan guddiga fulinta xisbigaasi.

Warqad maalintii shalay ka soo baxday xafiiska guddoomiye ku xigeenka labaad ee Kulmiye,Axmed Cabdi Dheere,ayaa lagu sheegay in guddiga fulinta xisbigu ay xilka qaadis ku sameeyeen,islamarkaana xisbiga ka saareen,guddoomiyaha golaha dhexe,Jaamac Shabeel.

Hase yeeshee Jaamac Shabeel oo maanta ka jawaabay xilka qaadista la sheegay in lagu sameeyay,ayaa si adag u beeniyay,wuxuuna  sheegay in shakhsiga warqadda ku saxiixan ee Axmed Cabdi Dheere uusan u aqoonsaneyn guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga,sida uu hadalka u dhigay.

Mudane. Shabeel ayaa intaas raaciyay in xisbiga Kulmiye aanu xilligan lahayn guddoomiye ku xigeen labaad,kadib markii sida uu sheegay guddoomiye ku xigeenkii labaad ee Kulmiye u goostay xisbiga kale ee waddani.

“Guddoomiye ku xigeenkii labaad ee Xisbiga wuxuu ahaa ninkii loo doortay xildhibaan Waabeeyo,xildhibaan Waabeeyana waa kii galay Waddani,cid dambe oo loo doortayna ma jirto. Fowdada xisbiga ka dhex socota ayay kamid tahay,waraaqdaas cidda saxiixdayna sidaas ayaysan u lahayn wax ictibaar sharci ah” ayuu yiri Shabeel.

Sidoo kale Shabeel wuxuu sheegay in khilaafka kala qeybiyay xisbiga Kulmiye uu salka ku hayo xeerka Kufsiga Somaliland oo ay isku-maandhaafeen isaga iyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,isagoo xeerka ku tilmaamay mid si cad uga horjeeda diinta islaamka iyo dastuurka Somaliland.

Xeerkani waa xaaraan,waa sharci-darro.Dastuurkuu xad-gudub ku yahay,Diinta islaamkuu xad-gudub ku yahay. Wax la aqbali karo oo la qaadan karo maaha. Waxaan isku-haynnaa waxa weeye waa Diintii islaamka,maaha siyaasad” ayuu raaciyay Shabeel.

Ugu dambeyntii, Shabeel wuxuu golaha dhexe ee xisbiga ku wargeliyay in ay kulan deg deg ah isugu yimaadan maalinta sabtida ah ee soo socota,si a go’aan uga qaaatan xubno uu sheegay in ay khilaaf iyo fowda ku hayaan xisbiga,inkastoo uusan faahfaahin cidda uu hadalka ula yeedo.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Shabeel: Aniga iyo Muuse waxan isku-haynna Diinta islaamka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this